Doon sidey 49 tahriibeyaal ah oo xeebaha Yemen ku degtey

Image

February 3, 2015 (GO)- Ugu yaraan 35 qof oo tahriibeyaal ah ayaa lagu la'yahay xeebaha dalka Yemen kadib markii ay shalay oo Axad ahayd la degtey dooni yar oo ay ku safrayeen.

General Saleh al-Sabbari oo ah sarkaal ka tirsan ilaalada xeebaha Yemen ayaa wakaaladda wararka Yemen ee (SABA) u sheegay in lasoo badbaadiyey 13 qof oo kamid ah 49 qof oo doonta degtey saarnaa. Dadka la soo badbaadiyey oo midkood ay haweeney tahay, waxay isugu jiraan siddeed Ethiopian ah iyo shan Soomaali ah.

Gen. Sabbari ayaa sidoo kale sheegay in sababta doontaasi u degtey tahay bada oo kacsaneyd maadaama dabaylo xooggani maalmihii u dambeeyey Badda Cas ka dhacayeen. 

Kumannaan tahriibayaal ah oo ka tegey geeska Afrika ayaa sannad walba gaara xeebaha koonfureed ee dalka Yemen, iyagoo kaddibna usii ruuqaansada dhinaca waqooyiga, si ay ugu  tallaabaan Sucuudiga oo Yemen xuduud dheer laleh.

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR, ayaa sheegtay in shantii sano ee ugu dambeeyey ay dalka Yemen gaareen in ka badan 500,000 oo qof, dadkaasoo badankoodu ah Eritrean, Ethiopian iyo Soomaali.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM