Doorashada 6 xildhibaan oo maanta lagu qabanayo Kismaayo
KISMAAYO, Jubaland – Magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose waxaa Axadda ah maanta lagu qabanayaa doorashada illaa 6 kursi oo ka mid ah mudane-yaasha Baarlamaanka Soomaaliya waxaana ku tartami doona 12 musharax iyada oo aysan tartanka qayb ka ahayn xildhibaanadii kuraastaan horay ugu fadhiyay.
Kuraasta maanta codayntooda la qabanayo waxaa ka mid ah;
#Hop107 Waxaa ku tartamaya Maxamed Sheekh Nuur Cismaan iyo Xasan Cismaan Aadan, kursigaan waxaa horay ugu fadhiyay Xaawo Maxamed Aadan aan qayb ka ahayn codaynta maanta.
#Hop114 Waxaa ku tartami doona Cumar Ibraahim Xaashi iyo Cabdi Aadan Cabdullaahi,kursigan waxaa horay ugu fadhiyay Cabdulqaadir Maxamed Cismaan oo tartanka maanta aan qayb ka ahayn.
#Hop120 Waxaa ku tartami doona Asad Cabdirisaaq Maxamed iyo Saciid Cabduqaadir Shukri, iyada oo meesha laga saaray Xildhibaankii horay ugu fadhiyay ee C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim (Baqdaadi) .
#Hop111 Waxaa ku tartamaya Cabaas Cali Ibraahim iyo Aadan Mursal Cadoow waxaana laga reebay tartanka Maxamed Nuur Iftin Shambara oo hore ugu fadhiyay kursigan.
#Hop 028 Waxaa ku tartami doona Cabdinuur Cali Aadan iyo Axmed Cabdi Maxamed iyadoo uusan ka mid ahayn musharaxiinta tartamaya xildhibaankii hore ugu fadhiyay Cabdullaahi Maxamed Aadan Shaacir.
#Hop 093 Waxaa ku tartami doona Saciid Maxamed Cali iyo Mahad Nuur Xaaji Cismaan iyadoo uusan musharaxiinta ka mid ahayn Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo hore u soo noqday Wasiirka Diinta iyo Ow qaafta.
Waxaa si toos ah dalka uga bilaawday doorashada golaha shacabka ka dib heshiiskii ay gaareen golaha wadatashiga qaran iyadoo shalay lagu doortay shan xildhibaan magaalada Garowe sidoo kalana la shaaciyay in maalmaha soo socda magaalada Muqdisho iyo Baydhabo ay ka dhici doonaan doorasho.
Madaxa Maamul Goboleedyada ayaa u arka doorashadda socota fursad ay kusoo saari karaan Xildhibaano daacad u ah oo usoo dirsadaan Baarlamaanka Federaalka, si ay u xaqiijiyaan in Madaxweynaha xilkiisu dhmaadey Maxamad Cabdulahi Farmajo dib ugu soo noqon xilka.
Doorashadda socota iyo Xildhibaanada kusoo baxaya kuraasta waxay sawir fiican ka siinaysaa mustaqbalka nooca Baarlamaanka Soomaaliya yeelan doonto iyo doorashadda Madaxweynaha oo loolan loogu jiro. Falanqeeyeyaashu waxay rumeysan yihiin in xeerdejinta soo aadan uu noqon doono mid ay hareeyeen xubno daacad u ah hogaankooda.
GAROWE ONLINE