Doorashada Galmudug: Murashaxiin soo saarey baaq ka kooban lix qodob

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Afar kamid ah murashaxiinta madaxtinimada Galmudug oo kulan ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb ayaa soo saarey baaq ka kooban lix qodob.

Siyaasiyiintaan aan wali is-diiwaan-gelin ayaa dalbaday in laba todobaad la hakiyo dhaqdhaqaaqyada ka socda caasimada iyo Gaalkacyo iyo in la qabto shir loo wada dhan yahay.

Tartamayaasha ayaa sidoo kale soo jeediyey in la dhaqan-geliyo qeyb kamid ah heshiiska dowladda federaalka iyo Ahlu Sunna Waljameeca oo ay sheegeen in uu baaqi ku yahay xukuumada.

Hoos ka akhriso qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM