Doorashada Galmudug: "Tuhunkii laga qabay Mareykanka oo caddaaday"

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta ka dhacday doorasho ay coddeeyeen Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ee ay aqoonsan tahay dowladda Soomaaliya.

Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor], murashaxii ay ololihiisa taageereysay Villa Soomaaliya, ayaa labinta helay.

Qoor-qoor oo wareega koowaad ku badiyey ayaa ka adkaadey saddex murashax, isagoo helay 66 cod, sidda la shaaciyey.

Mareykanka ayaa noqday dalkii ugu horeeyay ee ka falceliyey guusha Qoor-qoor, wuxuuna hambalyo u diray hogaanka cusub.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbiga Wadajir, oo ka falceliyey talaabada safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa sheegay in ay "caddeysay tuhunkii laga qabay".

Qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayuu ku naqdiyey "aqoonsiga uu Mareykanku siiyey guusha Qoor-qoor".

"Soomaalida inteeda badan labo arrimood ayaa isku qaban la’aa. 1- Awood sheegashada Dowladda Federaalka ah iyo itaalkeeda inta uu la egyahay. 2- Sababta ay beesha caalamka uga aamusantahay ku tumashada madaxda dowladdu ku tumanayaan Dastuurka, ku xadgudubka xuquuqda aadanaha, burburinta dowlad goboleedyada, colaad hurinta beelaha dhexdooda, weerarka mucaaradka, maadaama ay dowladdu ku taagan tahay cududda ciidan ee AMISOM iyo muruqa diblomaasiyadeed ee beesha caalamka," ayuu yiri.

Warsame ayaa ku daray: "Tuhun laga qabay dowladda Maraykanka waa jiray, laakiin tuhunkaas maanta ayuu caddaaday".

Dhanka kale, siyaasiga ayaa dhaliilay taageereyaasha dowladda madaxweyne Farmaajo oo buunbuuniya hadalka safiirka Mareykanka.

"Waxaan arkaa Wadaniyiintii N&N oo meel walba wareejinaya Twitter safaarada Maraykanka. Waxaa muuqata in khadkii difaacooda uu dumay, dhufayska keli ah ee lagu sii gaban karana uu noqday Safiirka Marayknaka".

Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya ayaa ku daray: "Waxaa hubaal ah maamul ay dadkiisu aqoosanayn in uusan Twitter meel gayn doonin".

Doorashada Qoor-qoor ayaa ka dhigan in Galmudug ay yeelatay madaxweynihii 3aad maadaama Ahlu Sunna ay ku dhawaaqeen Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, halka Xaaf uu wali meel taagan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM