Doorashada kuraas Aqalka Hoose oo ka dhaceysa Kismaayo

Image

KISMAAYO, Jubaland – Guddiga doorashada ee heer Dowlad-goboleed ee Jubbaland ayaa maanta oo Arbaco ah magaaladda Kismaayo ku qabanay doorashada sadex kursi oo kala ah HOP#118, HOP#126 & HOP#127 sida ku cad bayaan uu soo saaray guddigu.

Ergada dooraneysa Xildhibaannadaan waxa ay qaateen Tababar la xiriira sida ay wax u dooranayaan, shuruudaha laga rabo in ay fuliyaan iyo isu diyaarinta kala xulashada musharaxa codkooda ay siinayaan.

HOP#118: waxaa Baarlamaanka 10aad ku fadhiyay Saqar Ibraahim Cabdalla, waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah: Yuusuf Maxamed Ismaaciil iyo Cumar Maxamed Cumar SEIT Jubbaland ka qaatay shahaada musharaxnimo.

HOP#126: Maxamed Xasan Idiris (Ganeey) ayaa Jubbaland ku metalay Baarlamaankii 10aad, balse waxaa isu diiwaangeliyay in ay u tartamaan Wasiirka Gaadiidka DG Koofur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed (Eeley) & Cabdiraxmaan Macalin Xuseen.

HOP#127: Cali Cismaan Xirsi ayaa xubin Baarlamaan ku ahaa Baarlamaankii 10aad, waxaa isu diiwaangeliyay Musharaxixiinta kala ah, Cabdiqaadir Cabdullahi Xirsi iyo Dr. Axmed Aadan Axmed.

Jubaland ayaa horay u qabatay codaynta dhowr kursi iyada oo Doorashooyinkaan la rabo in ugu dambeyn lagu soo gabagabeeyo 25ka Febaraayo 2022.

Dad badan ayaa aaminsan in doorashada  socota ay tahay midii ugu musuq-maasuqa badnayd dhamaan doorashooyinkii soo dhacayay, maadaama lagu jaangooyay go’aan siyaasi ah, islamarkaana aan lagu saleyn dastuur iyo nidaam u degsan dalka.

Si kastaba, waxaa isha lagu wada hayaa sawir u yeelan doono baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo si Adag u Diidday Wax ka Bedelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Puntland waxay caddeysay inay aqoonsan tahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee lagu heshiiyey sannadkii 2012.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 09:05PM

Xildhibaannada Baarlamaanka oo Laga Mamnuucay inay ka baxaan Muqdisho

Koox xildhibaanno federaal ah oo u safrayay Garoowe ayaa shalay lagu qasbay inay dib ugu soo laabtaan Muqdish.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 08:32AM