Doorashadda madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la muddeeyay

Image
Is-fahamkan ayaa kasoo baxay wadahadaladii ka socdey Baydhabo tan iyo bishii hore ee Janaayo, 2023.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Heshiis rasmi ah ayaa waxaa laga gaarey murankii ka taagnaa doorashadda madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, sidda ku cad war-murtiyeed kasoo baxay wadahadaladii socdey.

Wadahadalada oo uu garwadeen ka ahaa madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha Aqalka Hoose, Aadan Madoobe, ayaa socdey tan iyo bishii hore ee Janaayo, 2023.

Labada qodob ee ugu muhiimsan war-murtiyeedka ayaa kala ah;

In ay odayaasha dhaqanka beelaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay soo xulaan mudada u dhaxeysa bisha Novembar 2023-ka ilaa bisha Decembar 2023 xubnaha Golaha Wakiiladda ee Baarlamaanka KGS iyaga o la tashanaya beelahooda si waaqsan Qodobka 37aad farqadda 3aad Dastuurka KG

In doorashada guddoonka golaha wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo doorashada madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaaliya la qabto inta lagu guda jiro bisha Janaayo 2024.

HOOS KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA

https://scontent.fmgq1-2.fna.fbcdn.net/v/t39.30808-6/329518969_908777496924990_7873187830082094314_n.jpg?_nc_cat=106&ccb=1-7&_nc_sid=8bfeb9&_nc_ohc=heUF24iZ6SsAX-diHOC&_nc_ht=scontent.fmgq1-2.fna&oh=00_AfA19HBPzRjScOAruUBel-S-cjn1EdF4V_PpR8DtptLu7w&oe=63E41168

https://scontent.fmgq1-2.fna.fbcdn.net/v/t39.30808-6/329342962_724415372409513_5928213712478142645_n.jpg?_nc_cat=102&ccb=1-7&_nc_sid=8bfeb9&_nc_ohc=XY2umoMy-1YAX-UCyoR&_nc_oc=AQmaCw_z66AgKZsAHIelZKd8hpF7J0hM-FJ-8K-FI8WWFZi9QMecHdw7VQHSCL3o1FI&_nc_ht=scontent.fmgq1-2.fna&oh=00_AfBBF3KZt2W93aOF09_Ruty8fNlE5LnsRM1Un3y9-bkMWw&oe=63E3B764

https://scontent.fmgq1-2.fna.fbcdn.net/v/t39.30808-6/329342991_1216212249330813_5670699322015978718_n.jpg?_nc_cat=101&ccb=1-7&_nc_sid=8bfeb9&_nc_ohc=EDAsx3-e82UAX-G__A9&_nc_ht=scontent.fmgq1-2.fna&oh=00_AfC88UaSqyFbwg0HmIr7KUJNLdPYZEbBfG3nyUQXMEF2Sg&oe=63E4C44E

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM