Doorashadii madaxtinimada Somaliland oo dib loo dhigey

Image

March 9, 2015 (GO)- Doorashooyinkii madaxtinimada Somaliland ayaa muddo sagaal bilood ah dib loo dhigey.

Af-hayeenka Guddiga Doorashooyinka Somaliland Saciid Cali Muuse oo shir jaraa’id ku qabtey magaalada Hargeysa ayaa shaaciyey in doorashada dib loo dhigey.

Sababta wuxuu ku sheegay inay tahay waqtiga harsan oo kooban iyo cod-bixiyeyaashii oo aan weli la diiwaan gelin.

Siciid Cali Muuse oo xilligii uu shirka jaraa'id qabaneyey weheliyeen wakiillo ka socdey xisbiyada Ucid, Wadani iyo xisbiga talada haya ee Kulmiye, wuxuu intaas raaciyey in diiwaan gelinta cod-bixiyeyaasha si rasmi ah loo bilaabi doono dhammaadka bisha July ee soo socota.

Axsaabta mucaaradka Somaliland oo March 4, 2015 magaalada Hargeysa kaga dhawaaqey isbahaysi ay ku mideysan yihiin, waxay ku hanjabeen inaysan aqbali doonin doorashada in waqtigeeda dib looga dhigo.

Go'aamadii mucaaradku horay usoo saarey waxaa kamid ah:

  • xukuumadda oo looga digey inay gasho heshiisyo cusub iyadoo waqtigeedu gabaabsi yahay.
  • In doorashooyinku ku qabsoomaan waqtigii loogu talo galay oo ah June 26, 2015.
  • In aysan xukuumaddu wax cudur daar ah u haysan dib u dhac ku yimaada doorashooyinka.
  • Hadii doorashooyinku dib u dhacaan in mucaaradku aqoonsan doonin xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Golaha Wakiillada.
  • In la kala diro labada gole (wasiirrada iyo barlamanka) wixii ka dambeeya June 26, 2015.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM