Doorasho ka dhacday Baydhabo xili hufnaan la'aan ka jirto hanaanka

Image
Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Baydhabo Maanta ku qabtey doorashadda afar kursi oo kamid ah Gollaha Shacabka.

Sheekh Aadan Madoobe, oo 2007-2010 soo noqdey Afhayeenka Baarlamaanka 10aad ee dalka ayaa ku guuleystay kursiga sumadiisu tahay Hope189, isagoo helay codad gaaraya 63, halka Musharax la tartamay Xasan Cali uu ku guuleystay 11 cod.

Waxaa sidoo kale lagu doortey Baydhabo kursigii loo diiday inuu u tartamo Jawaari [Hope103], kaasoo ku guuleystay Musharax lagu magacaabo Maxamed Cali Xasan, oo la sheegay inuu kamid yahay Wasiiradda Lafta-gareen.

Kursiga doorashadda waxaa shalay hakiyay Gudiga FEIT, oo Muqdisho ku qabtay cabasho usoo gudbiyay Jawaari, waxaana go'aanka qaadacey Gudiga SEIT ee Koonfur Galbeed oo howshiisa sii watay, maantana qabtey doorashadda.

Labo kursi oo kale ayaa la filayaa inay doorashadooda ka dhacdo isla Maanta Baydhabo, oo shalay saddex kursi lagu doortey, waxaana kusoo beegmaysaa doorashadda xili Musharixiinta mucaaradka Muqdisho kulan kula leeyihiin Rooble, oo ay kala hadlayaan musuq-maasuqa ka jira doorashadda Aqalka Hoose.

Musharixiin badan ayaa loo diiday inay tartamaan, iyadoo ugu dambeeyeen Jawaari iyo Tuuryare, waxaana lagu eedeeyay Villa Somalia inay gacmaha kula jirto hanaanka doorashadda dalka, oo laga weeciyay dhabihii loo jeexay Sep 17 markii maamullada iyo DF heshiiska gaareen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mas’uuliyiin iyo Xildhibaanno lagu jirdilay, laguna afduubey Muqdisho 

Puntland waxay dusha u saartay mas'uuliyadda wixii dhibaato ah ee ka dhasha falkaas Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    04-03-2026

  • 10:50AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo dagaalka Bariga Dhexe kala hadlay qaar kamid ah Madaxda Khaliijka 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ay u hayso Urdun iyo Qatar.

  • Soomaliya

    03-03-2026

  • 11:27AM