Doorasho ka dhaceysa Muqdisho xilli uu is-qabqabsi jiro

Image
Xulista kuraasta gobolada waqooyi ayaa la filayaa in ay socoto iyadda oo garabka Cabdi Xaashi uu qaadacay coddeynta.

MUQDISHO, Soomaaliya – Doorashada 3 kursi oo Golaha Shacabka ah ayaa talaadada maanta ah lagu qabanayaa Dugsi tababarka Gen. Kaahiye ee magaaladda Muqdisho sida uu sheegay guddiga maamulka doorashada goboladda waqooyi Somaliland oo daadihinaya codayntaan.

Guddiga ayaa sheegay in Doorashada HOP#037, HOP#238 & HOP#244 la dhammeystiray dhammaan shuruudaha iyo habraaca loogu talagalay in laga hubiyo kahor inta aanay la qaban doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad.

HOP#037, horay ugu fadhisay Huda Axmed Cali halka HOP#238 uu baarlamaankii 10 aad ku fadhiyay Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir iyo HOP#244 oo afartii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay Siciid Maxamed Maxamuud Xayd .

72-dii saac u dambeysay ayaa SEIT Somaliland ku howlanaa diiwaangelinta Ergada, xareyntooda iyo diyaarinta agabka muhiimka u ah qabsoomidda Doorashada kuraasta maanta lagu dooranayo Muqdisho.

Doorashadda socota iyo Xildhibaanada kusoo baxaya kuraasta waxay sawir fiican kaa siinaysaa mustaqbalka nooca Baarlamaanka Soomaaliya yeelan doonto iyo doorashadda Madaxweynaha, oo loolan loogu jiro.

Kala shakiga iyo is-aaminaad la’aanta ka dhex jirta Madaxda Maamulada iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu isaga oo dhamaadey xafiiska jooga ayaa sababtay in doorashada goobihii lagu qaban lahaa lagagala cararo, maadaama kooxda Farmaajo ay faragelin joogta ah ku -hayaan arimaha amniga maamulada qaar.

Qabsoomida coddeyntan ayaa kusoo aadaysa xilli mar kale ay kala jabeen garabyada kuraasta gobolada waqooyi iyadda oo dhinaca Cabdi Xaashi uu ku dhawaaqay in ay ka baxeen sababo ku aadan "boob iyo kufsi" ay sheegeen in uu hormuud u yahay xafiiska ra'iisul wasaare Rooble.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Garsoore Cumar Cartan Kaddib Eedeymo Argagixiso oo Maraykanku u Jeediyay

Tani waa arrin gooni ah, mana dhaawici doonto xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka.

  • Soomaliya

    13-06-2026

  • 01:23PM

Xasan Sheekh: Aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland waa mid kamid ah maalmaha ugu madow taariikhda Soomaaliya

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Soomaaliya ay weli taageersan tahay xalka laba dowladood ee arrinta Falastiin.

  • Soomaliya

    13-06-2026

  • 09:07AM