Dowlada Federaalka oo xaqiijisey geerida sarkaal ka tirsan Al-shabab

Image

February 4, 2015 (GO)- Hay'adda Nabad-sugidda ee Dowlada Federaalka (NISA) ayaa xaqiijisey in sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab lagu diley duqeyn diyaaradaha Maraykanku Sabtidii lasoo dhaafay ka geysteen duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Bay.

War-saxaafadeed ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in weerarka oo dhacay January 31, 2015 abaaare 5:00tii galabnimo ee saacadda Geeska Afrika lagu diley Cabdinuur Mahdi.

Ninkaas oo sidoo kale ku magac dheeraa Yuusuf Dheeg, wuxuu sida war-saxaafadeedka lagu sheegay ahaa madaxa sirdoonka iyo hawlgallada gudaha ee Al-shabab.

"Cabdi Nuur Mahdi, oo kooxda Shabaab u taqaanay ( Yuusuf dheeg),oo sidoo kale isticmaala magacyo kale, oo ay wehliyeen Horjooga yaal kale ayaa la xaqiijiyay ineey ku geeriyoodeen Duqeyn xaga cirka ah oo ka dhacday meel u dhow dagmada  Diinsoor" ayaa war-saxaafadeedka lagu yiri.

Dowladda Maraykanka ayaa bilihii u dambeeyey waxay kordhisey duqeymaha diyaaradaheeda bilaa duuliyaha ahi ka geysanayaan koonfurta Soomaaliya ee lagu bartilmaameedsanayo madaxda sare ee kooxda Al-shabaab. 

September 1, 2014 duqeyn Maraykanku ka geystey deegaanka Haawaay oo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose, waxaa lagu diley hoggaamiyihii hore ee Al-shabab Axmed Cabdi Godane.

December 29, 2014 duqeyn kale oo diyaaradaha Maraykanku ka fuliyeen deegaanka Saakow ee gobolka Jubada Dhexe, waxaa lagu diley labo sarkaal oo ka tirsanaa hoggaanka ururka Al-shabaab. Labada nin midkood waxaa lagu magacaabi jirey Cabdinaasir Xasan Barakow Tahliil. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM