Dowlada Kenya oo xireysa xerada qaxootiga Dhadhaab

Image

NAIROBI, April 11,2015 ( GO)- Dowlada Kenya ayaa hay'ada qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobey "UNHCR" siisey muddo Sadex bilood ah iney ku xirto xerada qaxootiga Dhadhaab oo ku taal xadka u dhexeeya wadanka Kenya iyo Somalia.

Madaxweyne ku-xigeenka wadanka Kenya William Ruto oo maanta ka hadley halka la yiraahdo Nyeri ayaa xusey in dowladiisu wadahadal la yeelatey hay'ada UNHCR kana dalbatey in xerada qaxootiga dadka ku jira gabi ahaanba dib loogu celiyo wadanka Somalia.

Xerada Dhadhaab oo ku taal xadka u dhexeeya Kenya iyo Somalia ayaa ku sugan qaxooti Somali ah oo tiradoodu gaareyso 600,000 kuwasoo ka soo cararey dagaalada halakeeyey wadankaan ku yaal geeska Africa.

" Waxaan waydiisaney in muddo Sadex bilood ah lagu raro qaxootigaaan, hadii ay suuroobi waydo anagaa dib ugu celineyna wadanka Somalia, isagoo intaas ku darey sida wadanka Mareykanka isu badaley wixii ka dambeeyey 9/11 ayaa Kenya isu badaleysa weerarkii Gaarisa kadib" ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Kenya.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa hogaamiye-yaasha siyaasada ka codsadey in dagaalka lagula jiro argagixisada Al-shabaab aan la siyaasadeyn.

Go'aanka dowlada Kenya ayaa imaanaya maalmo kadib markii la xirey dhamaan shirkadihii xawilaada oo ka shaqeyn jirey guud ahaan wadanka Kenya.

Dowlada Kenya ayaa horey u go'aansatey iney ka dhiseyso xadka Somalia darbi dhererkiisu yahay 700km kaas la sheegey in kooxda Al-shabaab lagu horjoogsan doono.

GAROWEONLINE
 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM