Dowlada Masar oo toban kun ciidan usoo diraysa Soomaaliya

Image
Askarta Masaarida ayaa la geyn doonaa Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug.

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaarado laga leeyahay dalka Masar ayaa soo caga dhigatay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo keenay qalab ciidan iyo saraakiil ku wajahan gobolka Hiiraan.

10,000 oo askari oo Masaari ah ayaa la geyn doonaa guud ahaan Soomaaliya (Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug), iyadoo 5,000 ay ku biirayaan ciidamada AUSSOM halka 5,000 ay si madax bannaan u taageerayaan dowladda Federaalka.

Xalay saqdii dhexe ayaa diyaarado ciidan ayaa sahay kale keenay magaalada Muqdisho, iyadoo todobaadkan gudihiisana la filayo in tiro kale oo dheeraad ah la keeno.

Imaatinka diyaaradaha iyo ciidamada Masar ayaa ku soo beegmaya xilli xiriirka u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo Itoobiya uu marayo heerkii ugu hooseeyay.

Khuburada ayaa soo jeedinayaan in Soomaaliya ay qeyb ka noqon karto xurgufta juquraafiyeed ee Qaahira iyo Addis Ababa, gaar ahaan la xiriirta muranka webiga Niil ee mudada dheer soo jiitamayay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM