Dowlada Soomaaliya oo dalab u dirtey ajaaniibta

Image
Bayaankan uu arkay Garowe Online ayaa lagu caddeyn sababta ka dambeysa soojeedintan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah ajaaniibta ka dalbatay in ay kusoo wargeliyaan haddii ay la kulmaan Eex, Musuq-maasuq iyo ku tagrifal awoodeed.

War saxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu adkeeyay in cabashada lala soo wadaago Xafiiska Cabashada ee Hay’adda iyo baraha xiriirka ee hoos ku xusan.

Bayaankan oo lagu faafiyey ciwaanka Facebook-ga ee hay'adda ayaan lagu soo bandhigin sababta dhabta ah ee ka dambeysay dalabkan kusoo beegmay xilli dalku ku jiro xaalad doorasho.

HOOS KA AHRISO BAYAANKA HAY'ADDA

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waa Hay’ad Federaal ah waxayna bixisaa Adeegyada Socdaalka iyo Baasaboorka sida ku cad Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Muwaadiniinta iyo Ajaanibta ay u adeegto Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxay xaq u leeyihiin helidda adeeg hufan isla markaana ka fog eex iyo wax isdaba-marin (Musuq-maasuq).

Muwaadiniinta iyo Ajaanibta baahida u qaba adeegga Hay’adda waxaa looga baahan yahay in ay ilaaliyaan shuruucda iyo habraacyada lagu bixiyo adeegyada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda si ay qeyb uga qaadataan hufnaanta shaqada.

Ka qeyb-qaadashada kiis la xiriira wax isdabamarin, ha ahaado Sargaal ka howlgala Hay’adda ama Muwaadin iyo Ajnibi loo adeegayay waxaa la marsiinayaa hannaanka Sharciga.

Hadaba, Muwaadiniinta iyo Ajaanibta dalbanaya adeegyada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda hadii ay la kulmaan waxyaabo ka baxsan hannaanka hufan ee shaqada sida Eex, Musuq-maasuq iyo ku tagrifal awoodeed waxaa looga baahan yahay in ay ku soo wargeliyaan Xafiiska Cabashada ee Hay’adda iyo baraha xiriirka ee hoos ku xusan ama in sanduuqa cabashada ee yaalla xarumaha Hey’adda ay ku ridaan cabashadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM