Dowladaha caalamka ee cambaareeyay weerarkii Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan 76 qof ayaa ku dhimatay, 125 kale way ku dhaawacmeen kadib qarax gaari oo ka dhacay isgoyska Ex-kontarool Afgooye ee koonfurta Muqdisho, caasimada Soomaaliya.

Dadka ku naf-waayey falkan ayaa la sheegay in ay u badan yihiin arday. Laba Injineero oo u dhashay Turkiga ayaa kamida.

Madaxweyne Farmaajo ayaa cambaareeyay falkan. Ra'iisul Wasaare Khayre wuxuu magacaabay Guddi gurmad, halka maamulada ay ku baaqeen in loo midoobo dagaalka argagixisadda.

Qaar kamid ah dowladaha caalamka ee saaxiibka la ah Soomaaliya ayaa dhankooda midnimo u muujiyey xukuumadda fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka oo tacsi u dirtay eheladda dadkooda ku waayey qaraxa ayaa sheegtay in ujeedada weerarkan ay tahay sidii khal-khal loo gelin ahaa amniga iyo xasiloonida Soomaaliya.

Donald Yamamoto, safiirka Mareykanka, oo soo kabasho u rajeeyay bukaanadda ayaa carabka ku adkeeyay in ay sii wadayaan dedaalada xasilinta Soomaaliya iyo baacsiga xagjiriinta.

Ben Fender, danjiraha Britain, oo su'aal ka keenay sababta ay argagixisadda u beegsaneyso shacabka, ayaa naxariis u rajeeyay kuwa dhintay, isagoo soo kabasho degdeg ah u rajeeyay bukaanadda.

Adam Abdelmoula, ku xigeenka wakiilka Qaramadda Midoobay, oo si adag u cambaareeyay weerarka bahalnimadda ah ayaa shaaciyey in ay wali u taagan yihiin baadigoobka nabadda Soomaaliya.

Ann Linde, wasiirka arrimaha dibadda Sweden, oo sheegtay in ay ka naxdey ficilka argagixiso, ayaa xaqiijisay in ay ka go'an tahay taageeradooda dowlad dhisidda iyo iskaashi ay la yeeshaan Soomaaliya.

Emanuela C. Del Re, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Talyaaniga, oo tiaaxdey in weerarkan loogu talagalay in lagu waxyeeleeyo doorashooyinka 2020-21, ayaa xustay in ay wadayaan taakuleynta Soomaaliya.

"Waxaan ku baaqayaa taageero caalami ah [oo la siiyo waddanka Soomaaliya]," ayay kusoo gabagabeysay hadal ay kusoo qortay barteeda gaarka ah ee ay ku leedahay barta bulshadda ku xiriirto ee Twitter-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM

Jubaland oo ka digtay hubanti la’aan siyaasadeed iyo faragelin shisheeye

Ugu dambeyn, Jubaland waxay ugu baaqday madaxda siyaasadda dalka in ay mudnaanta siiyaan ilaalinta midnimada iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 04:43PM