Dowladaha Puntland iyo Galmudug oo ku heshiiyay afar qodob

Image
Labada dhinac ayaa xalay shir ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada Gaalkacyo ee Puntland.

GAALKACYO, Soomaaliya - Dowladda Galmudug iyo Dowladda Puntland ayaa xalay shir ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada Gaalkacyo ee Puntland.

Shirkaasi waxaa si wadajir ah u guddoomiyeen Madaxweynaha
Dowladaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni yo Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye(Qoorqoor).

Kulankan aya ku saabsanaa iskaashiga labada Dowladood ee dhinacyada Amniga, Nabadeynta, Ganacsiga, isu socodka dadka iyo horurmarka.

Labada Dowladood ayaa isla gaaray:

Xoojinta iskaashiga amniga, nabadeynta, ganacsiga, dhaqaalaha iyo isdhexgalka bulshada ee Puntland yo Galmudug.

Qabaahadda kulammo heer Wasiirro ah o saddex biloodle ah, si loo xaqiijiyo miro dhalka dedaalladii socdey.

In mashaariic horumarineed laga hirgeliyo deegaannada ay colaaduhu saameeyeen si bulshadu u soo kabato.

In laba Dowladood ay si wada jira ah daraasad midaysan uga sameeyaan maareynta biya-saarista degmada Gaalkacyo.



GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM