Dowladda DRC Congo Oo Waraaqaha Aqoonsiga Safiirnimo Ka Gudoontey Danjire Ilyaas Cali Xasan

Image

Kinshasa Kongo DRC: Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC Mudane Ilyas Cali Xasan, nuqul ka waraaqaha aqoonsiga danjirnimo ee dalka DRC Congo waxaa ka gudoomey Wasiirka Arimaha dibadda dalkaas, Marwo Thérése Kayikwamba Wagner.

Danjire Ilyas, Iyo Wasiiradda Arimaha dibadda Congo, ayaa kawada hadley xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada Nabada gobolka, fursadaha Ganacsiga, fududeynta Socdaalka iyo in Xabsiyada dalkaas laga sii daayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kuxeran.

Danjire Ilyas, ayaa dowladda DRC Congo, uga mahadceliyey sida ay usoo dhoweeyeen bulshada Soomaalida ah ee halkaas ku nool iyo soo dhoweynta diiran ay usameeyeen isaga iyo wafdigiisa mudada uu halkaas ku joogo socdaalka shaqo.

Ugu danbeyn waxaa kulanka labada dhinac lagu dhiirogaliyey kor u qaadidda maalgashatada, dhinacyada ganacsiga, iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa howlaha fududeynta dal ku galka iyo sharciyada deganaanshaha ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

- GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM