Dowladda federaalka oo baaq u dirtay maamuladda

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Kulankan ayaa wuxuu u dhexeeyay Wasaaradaha Deegaanka iyo Batroolka ee Dowlad Gobaleedyada iyo Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta xukuumadda federaalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Maxamed Xaashi Carabeey ayaa Muqdisho ugu qeyb-galay Aqoon is-weydaarsi Ku Saabsana Yareynta Dhuxusha iyo Kobcinta Isticmaalka Gaaska Cunta.

Kulankan ayaa wuxuu u dhexeeyay Wasaaradaha Deegaanka iyo Batroolka ee Dowlad Gobaleedyada iyo Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS. Waxaa Agaasinka kulanka iska kaashaday Agaasinka Xafiiska Bay'adda ee Raysal Wasaaraha XFS iyo Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta oo kulanka ka hadlay ayaa ugu baaqay Wasiiradda matalayay Dowlad Gobaleedyada in ay Kaalinka qaataan dhaqan-galinta Sharciyadda la Xiriira ka hortagga Xaalufinta Deegaanka iyo Kobcinta isticmaalka Gaaska Cuntada.

Carabeey ayaa intaas ku daray in ka Wasaarad ahaan ay dhiira-galinayaan Ganacsatada iibisa Gaaska Cuntada sidoo kale Wasaaraddu ay diyaarisay Sharciyo kala duwan oo la Xiriira arimahaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM