Dowladda Federaalka oo Ciidamo Cusub ku Daadisay Waddooyinka Soo Gala Muqdisho

Image

Muqdisho — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo amni oo cusub, kadib markii ciidamo si gaar ah u tababaran lagu daadiyay waddooyinka laga soo galo magaalada Muqdisho, si loo adkeeyo ammaanka caasimadda iyo looga hortago weerarrada kooxda Al-Shabaab.

Ciidamadan oo wata gaadiid dagaal iyo qalab culus ayaa lagu arkayay saacadihii ugu dambeeyay duleedka magaalada, halkaas oo ay ka wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka iyo baaritaanno lagu ogaanayo dhaqdhaqaaqyada laga shakiyo.

War kasoo baxay dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu sugayo xasilloonida Muqdisho, iyadoo la bartilmaameedsanayo goobo muhiim ah oo laga helay xog ku saabsan dhaqdhaqaaqyo amni darro.

Mas’uuliyiinta amniga ayaa tilmaamay in ciidanka la geeyay meelaha istaraatiijiga ah si loo xakameeyo cid kasta oo isku dayda in ay khatar ku keento ammaanka caasimadda.

Tallaabadan ayaa timid iyadoo ciidamada Haramcad ay horey uga fuliyeen howlgallo guulo laga gaaray degmooyin badan oo ka tirsan gobolka Banaadir, kuwaas oo hoos u dhigay falalka amni darrada ee caasimadda.

Al-Shabaab ayaa horaantii bishan weerar ku qaadey Godka Jilicow, oo ah xarun NISA ku hayso xubnaha Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana weerarka ku dhintay askar Sirdoonka Soomaaliya kamid ahaa. Weerarka ayaa waxaa fuliyay rag xiran dareeska NISA, sidoo kalena saarnaa Gaari astaanta hay'adda ku buufsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Cambaareysay Weerarkii lagu Qaaday Madaxdii Hore ee Soomaaliya

Puntland waxay uga digtay dowladda federaalka in haddii aan si deg-deg ah heshiis looga gaadhin doorashooyinka dib u dhacay.

  • Soomaliya

    04-06-2026

  • 02:15PM

Fiqi oo ku eedeeyay Sheekh Shariif iyo Khayre inay abaabuleen afgambi ka dhan ah Xasan Sheekh

Fiqi ayaa sidoo kale ku andacooday in mucaaradku ay abaabuleen maleeshiyaad si weyn u hubeysan iyagoo ku gambanaya banaanbax nabadeed.

  • Soomaliya

    04-06-2026

  • 07:24AM