Dowladda Federaalka oo ka hadashay khasaaraha weerarka

Image
Image
Image
Image

April 14, 2015 (GO)- Dowladda ayaa ka hadashay weerarkii Al-shabaab maanta kusoo qaaddey dhismaha ay magaalada Muqdisho ka deggen yihiin Wasaaradaha Waxbarashada iyo Batroolka ee Dowladda Federaalka.

Af-hayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa sheegay in weerarkaas ay ku dhinteen shan iyo toban qof oo lix kamid ahi yihiin kuwii weerarka soo qaadey islamarkaana labaatan qof oo kale ku dhaawacmeen.

Af-hayeenku wuxuu sidoo kale sheegay in la badbaadiyey dhammaan shaqaalihii wasaaradaha ciidamaduna si xooggan isaga difaaceen dableyda.

Xilligii weerarku dhacayey waxaa xarunta ka socdey shir, waxaana ku sugnaa mas'uuliyiin uu kamid yahay wasiiru-dowlaha waxbarashada Cabdullahi Bile Nuur.

Weerarka gelinkii hore ee maanta magaalada Muqdisho ka dhacay ayaa ahaa kii labaad ee noociisa ah ee bil gudaheed isla Muqdisho ka dhaca, wuxuuna kusoo aadaya labo todobaad kadib markii Al-shabaab weerartey Jaamacadda Gaarisa ee dalka Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM