Dowladda Federaalka oo ka hadashay khasaaraha weerarka

Image
Image
Image
Image

April 14, 2015 (GO)- Dowladda ayaa ka hadashay weerarkii Al-shabaab maanta kusoo qaaddey dhismaha ay magaalada Muqdisho ka deggen yihiin Wasaaradaha Waxbarashada iyo Batroolka ee Dowladda Federaalka.

Af-hayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa sheegay in weerarkaas ay ku dhinteen shan iyo toban qof oo lix kamid ahi yihiin kuwii weerarka soo qaadey islamarkaana labaatan qof oo kale ku dhaawacmeen.

Af-hayeenku wuxuu sidoo kale sheegay in la badbaadiyey dhammaan shaqaalihii wasaaradaha ciidamaduna si xooggan isaga difaaceen dableyda.

Xilligii weerarku dhacayey waxaa xarunta ka socdey shir, waxaana ku sugnaa mas'uuliyiin uu kamid yahay wasiiru-dowlaha waxbarashada Cabdullahi Bile Nuur.

Weerarka gelinkii hore ee maanta magaalada Muqdisho ka dhacay ayaa ahaa kii labaad ee noociisa ah ee bil gudaheed isla Muqdisho ka dhaca, wuxuuna kusoo aadaya labo todobaad kadib markii Al-shabaab weerartey Jaamacadda Gaarisa ee dalka Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM