Dowladda Federaalka Soomaaliya oo digniin culus u dirtay Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxay soo saartay war-saxaafadeed ka dhan ah dhigeeda Kenya.

Bayaanka oo ka yimid Wasaarada Warfaafinta ayaa xukuumadda Nairobi loogu digay "faragelinta siyaasadeed oo ay ku sameyneyso arrimaha waddanka".

Qoraalka ayaa lagu sheegay "in khilaafyadda ka dhaxeeya labada dowladood ay jiraan wadiiqooyin sharci ah oo lagu xalin karo sidda kiiska badda".

Dacwadda badda, sidda ku cad warqadda, "waxay Soomaaliya ku dhegan tahay in loo dhaafo maxkamad oo laga war-sugo go'aankeeda".

Kenya ayaa lagu waaniyey in ciidamadeeda AMISOM "aysan u adeegsan arrimaha siyaasadeed iyo khalkhalgelinta amniga gudaha Soomaaliya".

"Dowladda federaalka Soomaaliya waxay mar walba raadineysaa daris wanaag, ixtiraam iyo nabad kuwada noolaanshiyo," ayuu raaciyey qoraalka.

Ugu dambeyntii, xukuumadda Muqdisho ayaa ku adkeysatay "in aysan aqbali doonin faragelin iyo khalkhal abuuris aanan ku jirin maslaxada gobolka iyo dadka".

Hoos ka akhriso qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM