Dowladda oo "ahmiyad siineysa" dhisida kalsoonida maamulada

Image
Cilaaqaadka labada dhinac ayaa hooseeyay bilooyinkii ugu dambeeyay qodobo kala duwan aawadeed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka ah iyo dib u heshiinta Axmed Macalin Fiqi ayaa Muqdisho ka furay shir la xiriira "Kulanka xoojinta xiriirka wadashaqeynta bulshada rayidka ah bahda ganacsatada Soomaaliyeed ee ku aaddan geedi socodka nabad dhiska iyo dib u heshiisiinta".

Fiqi ayaa ugu horreyn waxaa uu ka hadlay ahmiyadda kalsooni dhisidda ee u dhaxeysa dowladda federaalka ah, maamul goboleedyadda xubnaha ka ah iyo guud ahaan bulshada.

"Waxaa jira kalsooni darro ka dhalatay dagaalladii sokeeye dalka ka dhacay, si taas wax looga qabto xukuumadda dan qaran tiirkeeda 3-aad waa kalsooni dhisid, waxaa halkudheg u ah SOOMAALI HESHIIS, DUNIDA HESHIIS LA AH, shirkan maanta aan fadhinno waa astaan Soomaali heshiis ah, heshiiskeeda ay Soomaali wado," ayuu yiri.

Cilaaqaadka hogaanka dalka iyo maamuladda qaarkood ayaa hooseeya sababo ku aadan is-faham-waa ka taagan qodobo ay kamid yihiin kheyraad-qeybsiga iyo awood-qeybsiga.

Dhanka kale, wasiir Fiqi oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu ku baaqay joojinta dhammaan colaadaha ay abuureen arrimaha daaqsiinka, cimilada iyo qaabab kale ku yimaada.

"Waxaan ka shaqeyneynaa hindiso la xiriira joojinta colaadaha deegaanka iyo daaqa ku saabsan, lagana shaqeeyo nabad dhis iyo dib u heshiin laga shaqeeyo," ayuu tibaaxay.

Ugu dambeyntii, waxaa uu wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiiinta ugu baaqay beesha caalamka iyo ganacsatada Soomaaliyeed in ay taageeraan umadda ay abaarta heyso isaga oo yiri "Waxaan ugu baaqeynaa dadka ay abaaraha heyso, ganacsatada waan is aragnay, jawaab ayaan ka sugeynaa".

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM