Dowladda oo beenisay war ay Al-Shabaab ka faafisay 'Soobe Laba'

Image
Inta la xaqiijiyey 130 qof ayaa ku nafwaayay qaraxyadan oo ahaa laba kuwaasoo midka koowaad lagu dhuftey darbiga wasaaaradda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gaashaanka ku dhufatay sheegashada Al-Shabaab ay qiilka ugu raadisay qaraxyaddii 'Soobe Laba' ee 29-kii October, sanadkan 2022.

Mahad Karataay oo kamid ah horjoogeyaasha xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacid ayaa sheegay in weerarkaas ay la beegsadeen Wasaarada Tacliinta oo uu ku eedeeyay "askareynta arday".

Balse, wasiirka waxbarashadda federaalka Faarax Sheekh Cabdiqaadir oo qashinka ku daray sheegashadaas ayaa tibaaxay "in shaqada socotey ay ahayd shahaado siinta arday Soomaaliyeed".

Faarax oo wareysi gaar ah siiyey Barnaamijka Galka Baarista ayaa xaqiijiyey in shaqaale kamid ahaa wasaaradda oo tiradoodu ay gaareysay saddex ay kamid noqdeen dadka ku nafwaayay dhacdadaas.

"In aan shacabka usoo dhaweynay xarunta wasaaradda iyo in la joojiyey lacagihii lagu xiri jiray qaadashada shahaadada ayaa badiyey muwaadiniinta adeegyada u soo doon-jiray wasaarada," ayuu xusay.

Inta la xaqiijiyey 130 qof ayaa ku nafwaayay qaraxyadan oo ahaa laba kuwaasoo midka koowaad lagu dhuftey darbiga wasaaradda, kan kalana uu dhacay markii ay goobta yimaadeen gaadiidka ambalaasta.

Weerarkan ayaa dhacay xilli digniino ammaan ay ka jireen caasimadda iyo iyadda oo ay taagnaayeen warar ku saabsan in Imaaraadka iyo Masar ay ciidamo daacad u ah ka qorayaan magaala madaxda Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM