Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Image

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u bilowday qaybinta kaararka codbixinta ee doorashada golayaasha deegaanka ee gobolka Banaadir, xilli uu weli jiro muran xooggan oo ku saabsan habraaca iyo nidaamka loo marayo doorashada la qorsheeyay.

Guddiga Gaarka ah ee Doorashooyinka Banaadir ayaa sheegay in bixinta kaararka ay ka socoto dhowr xarumood oo ku yaalla degmooyinka Muqdisho, isla markaana ay muhiim u tahay in dadka deggan caasimadda loo diyaariyo marxaladda codeynta.

Si kastaba, tallaabadan ayaa ku soo aadaysa iyadoo khlaaf xoog leh ka taagan yahay qaabka loo dejiyay nidaamka doorashada dalka. Waxay Mucaaradka ku eedeeyeen dowladda in aysan jirin hannaan “hufan oo loo siman yahay,” halka qaar kalena ku doodaan in qaab-dhismeedka doorashada aan weli la isla meel dhigin.

Sidoo kale, waxaa la isku khilaafsan yahay dastuurka, iyadoo maqaamka Caasimada ayaa wali la isku raacin, waxaana lagu eedeeyay Villa Somalia inay afduubtay hanaanka doorashadda, taasoo keentay inay Puntland iyo Jubaland qaadacaan shirarkii Gollaha Wadatashiga kadib markii heshiis looga gaari waayay arrimahaan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda, ayna dowladda ka go’an tahay in la dhiso gole deegaan oo sharciyad ku fadhiya, si loo hormariyo adeegyada bulshada iyo maamulka caasimadda.

Inkasta oo khilaafka siyaasadeed uu weli taagan yahay, dowladda ayaa ku boorrisay shacabka gobolka Banaadir inay qaataan kaararkooda codbixinta, iyadoo sheegtay in arrintaasi ay tahay “tallaabada ugu horreysa ee xaqiijinaysa in codka shacabka uu door muuqda ka qaato maamul daadejinta magaalada.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM