Dowladda oo "dambi" u aqoonsatay faafinta wararka Al-Shabaab

Image
Xukuumadda ayaa sheegtay in ay xirtay in ka badan 40 baro internet-ka oo faafin jiray "dacaayadaha argagixisada".

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey in ay "dambi tahay," faafinta wararka AlShabaab, sida uu sheegay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

"Al-Shabaab ma ahan xisbi siyaasadeed, malaha aragti siyaasadeed. Aragtidooda waxay ka bilaabataa dil kuna dhamaataa dil," ayuu tibaaxay.

Geesta kale, xukuumadda ayaa shaacisay in ay xirtay 46 barro dhanka internet-ka oo ay AlShabaab u adeegsaneysay faafinta fekerkooda, sidda uu sheegay wasiir ku xigeen Al-Cadaala.

"Waxaa kale ku dabajirnaa in aan xirno baro kale oo ay website-yo ku jiraan,” ayuu xusay. Al-Cadaala ayaa iclaamiyey "fariin AlShabaab hadaad faafiso bartilmaameed ayaa tahay".

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya maalmo kadib markii Xasan Daahir Aweys uu baraha bulshada isaga oo si dadban taageero ugu muujiyey Al-Shabaab.

Dhanka kale, Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta ayaa ka gaabsadey xaqiijinta wararka ay tabisay saxaafada dowladda ee la xiriira "dilka” Cali Dheere, Afhayeenka AlShabaab.

"War ay baahisay warbaahinta waa halkeeda, laakiin kan rasmiga ah ee dowladda marka loogu talogalo in dadweynaha lala wadaago ayuu soo baxayaa," ayuu raaciyey.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey wuxuu u shaaciyey in dowladiisa ay ula dagaalameyso Al-Shabaab dhaqaale ahaan, milatari ahaan iyof eker ahaan. Waa istaraatiijiyad cusub oo saddex geesood ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM