Dowladda oo "dambi" u aqoonsatay faafinta wararka Al-Shabaab

Image
Xukuumadda ayaa sheegtay in ay xirtay in ka badan 40 baro internet-ka oo faafin jiray "dacaayadaha argagixisada".

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey in ay "dambi tahay," faafinta wararka AlShabaab, sida uu sheegay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

"Al-Shabaab ma ahan xisbi siyaasadeed, malaha aragti siyaasadeed. Aragtidooda waxay ka bilaabataa dil kuna dhamaataa dil," ayuu tibaaxay.

Geesta kale, xukuumadda ayaa shaacisay in ay xirtay 46 barro dhanka internet-ka oo ay AlShabaab u adeegsaneysay faafinta fekerkooda, sidda uu sheegay wasiir ku xigeen Al-Cadaala.

"Waxaa kale ku dabajirnaa in aan xirno baro kale oo ay website-yo ku jiraan,” ayuu xusay. Al-Cadaala ayaa iclaamiyey "fariin AlShabaab hadaad faafiso bartilmaameed ayaa tahay".

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya maalmo kadib markii Xasan Daahir Aweys uu baraha bulshada isaga oo si dadban taageero ugu muujiyey Al-Shabaab.

Dhanka kale, Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta ayaa ka gaabsadey xaqiijinta wararka ay tabisay saxaafada dowladda ee la xiriira "dilka” Cali Dheere, Afhayeenka AlShabaab.

"War ay baahisay warbaahinta waa halkeeda, laakiin kan rasmiga ah ee dowladda marka loogu talogalo in dadweynaha lala wadaago ayuu soo baxayaa," ayuu raaciyey.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey wuxuu u shaaciyey in dowladiisa ay ula dagaalameyso Al-Shabaab dhaqaale ahaan, milatari ahaan iyof eker ahaan. Waa istaraatiijiyad cusub oo saddex geesood ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM