Dowladda oo guulo ka sheegatay guluf ka dhan ah Al-Shabaab

Image
Warbaahinta dowladda ayaa warisay "dilka iyo qabashada maxaabiis badan oo ka tirsanaa kooxda argagixisadda ah".

MUQDISHO, Soomaaliya - Ku dhawaad ​​90 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ka sameeyeen agagaarka degaanka Jicibow oo hoostaga degmada Buuloburde, iyagoo taageero ka helaya dadka deegaanka, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Qaar ka mid ah argagixisada ayaa bilaabay in ay is dhiibaan fiidnimadii xalay, iyadoo ciidamada ay isku gadaameen goobta, isla markaana ay xireen waddooyinka iyo meelaha ay mara wabiga.

Shacabka ku dhaqan degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan ayaa bilaabay in ay Caano iyo Cunto ku garab istaagaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Dhalinyaro iyo haween magaalada ku nool ayaa ciidanka gaarsiiya sahay isugu jirta raashin, caano iyo xoolo nool.

Dhanka kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle ayaa gaaray degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, si ay ugu kuur galaan xaaladda bini’aadantinimo iyo tan amni ee ka jirta deegaankaasi, isla markaana ay u taageeraan howlgallada ka dhanka ah argagixisada.

Gobolkan, ciidamada iyo dadka deegaanka ayaa ku jira diyaar garowgii ugu dambeeyay oo ay ku sameynayaan olole militari oo ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SONNA.

Degaanka Gubadley ee duleedka Waqooyi ee magaalada Muqdisho, ayaa taliyeyaasha waxa ay dhigeen ciidamo heegan buuxa ah. Taliyihii booliska Muqdisho, Farxaan Qaroole, ayaa asbuucii hore lagu qarxiyey gobolkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qatar oo $8 million labo diyaradooda ugu iibisay dowladda Soomaaliya

Soo dejinta diyaaradaha Akinci waxay calaamad u tahay horumar weyn oo ku saabsan xoojinta iskaashiga militari ee Turkiga iyo Soomaaliya.

  • Soomaliya

    18-03-2025

  • 12:02PM

Turkiga Oo Diyaaradaha Akinci ee Casriga ah usoo diraya Soomaaliya

Tani waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee khatarta ku ah nabadda dalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    17-03-2025

  • 02:04PM