Dowladda oo iclaamisay "aargudasho" kadib qaraxyadii Soobe

Image
Image
Image
Image
Ku dhowaad 100 qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku naf-waayeen weeraradan loo adeegsadey qaraxyada gaari.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa xalay ku booqday isbitaallada Madiina, Banaadir iyo Erdogan dhaawacyadii ay wax yeeladu ka soo gaartay weeararkii kooxaha Khawaarijta ah ay ka geysteen isgoyska KM5.

Xamse oo ku soo wareegay qeybaha kala duwan ee ay yaalaan dhaawacyada, ayaa Alle uga baryey in uu siiyo caafimaad degdeg ah, intii dhimatayna naxariistiisa Janno uu ka waraabiyo, isagoo cadeeyey in Soomaaliya ay dagaal kula jirto kooxo argagixiso oo aan cidna u tureyn.

Warbixin ayuu ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta Isbitaallada uu booqday, ayaa ku ammaanay dhaqaatiirta iyo howlwadeenada gacanta ku haya dhaawacyada kaalintooda naf hurnimada ah.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ayaa ugu baaqay Shacabka Soomliyeed in ciidamada ay ku garab siiyaan dagaalka dalka looga sifeynayo kooxaha khawaariijta ah.

"Waxaan balanqaadaynaa in aan u aargudno shacabka Soomaaliyeed," ayuu ka yiri xarunta gurmadka qaran oo kamid ah meelaha uu booqdey kadib markii uu guddoomiyey shir degdeg ah oo Golaha Wasiiradda ay isugu yimaadeen.

Go'aanada shirkaas kasoo baxay waxaa kamid ahaa in dowladda hal milyan ugu deeqdey gurmadka soconaya, in la sameynao "isbadalo la jaan-qaadaya xaalada dalka ka jirta" iyo in xukuumadda shacabka ugu baaqdey "feejignaan dheeri ah".

Shirka waxaa warbixin ka jeediyey taliyeyaasha ciidamadda booliska, sirdoonka iyo ciidanka xogga dalka. Lama ogga in warbixintooda ay qayb ka ahayd wararka sheegaya in dowladda ay ku raadjoogtey gaariga qaraxa wadday iyo cida ku lugta leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM