Dowladda oo iclaamisay "aargudasho" kadib qaraxyadii Soobe

Image
Image
Image
Image
Ku dhowaad 100 qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku naf-waayeen weeraradan loo adeegsadey qaraxyada gaari.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa xalay ku booqday isbitaallada Madiina, Banaadir iyo Erdogan dhaawacyadii ay wax yeeladu ka soo gaartay weeararkii kooxaha Khawaarijta ah ay ka geysteen isgoyska KM5.

Xamse oo ku soo wareegay qeybaha kala duwan ee ay yaalaan dhaawacyada, ayaa Alle uga baryey in uu siiyo caafimaad degdeg ah, intii dhimatayna naxariistiisa Janno uu ka waraabiyo, isagoo cadeeyey in Soomaaliya ay dagaal kula jirto kooxo argagixiso oo aan cidna u tureyn.

Warbixin ayuu ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta Isbitaallada uu booqday, ayaa ku ammaanay dhaqaatiirta iyo howlwadeenada gacanta ku haya dhaawacyada kaalintooda naf hurnimada ah.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ayaa ugu baaqay Shacabka Soomliyeed in ciidamada ay ku garab siiyaan dagaalka dalka looga sifeynayo kooxaha khawaariijta ah.

"Waxaan balanqaadaynaa in aan u aargudno shacabka Soomaaliyeed," ayuu ka yiri xarunta gurmadka qaran oo kamid ah meelaha uu booqdey kadib markii uu guddoomiyey shir degdeg ah oo Golaha Wasiiradda ay isugu yimaadeen.

Go'aanada shirkaas kasoo baxay waxaa kamid ahaa in dowladda hal milyan ugu deeqdey gurmadka soconaya, in la sameynao "isbadalo la jaan-qaadaya xaalada dalka ka jirta" iyo in xukuumadda shacabka ugu baaqdey "feejignaan dheeri ah".

Shirka waxaa warbixin ka jeediyey taliyeyaasha ciidamadda booliska, sirdoonka iyo ciidanka xogga dalka. Lama ogga in warbixintooda ay qayb ka ahayd wararka sheegaya in dowladda ay ku raadjoogtey gaariga qaraxa wadday iyo cida ku lugta leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM