Dowladda oo hakisay amarkii Jayte ee "dilka xaasaska Al-Shabaab"

Image
Lataliyaha amniga qaranka ayaa sidoo ale wuxuu duray askari "bireeyay" dagaalameyaal laga qabtey Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Horaantii bishan October sanadka 2022, guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cusmaan, ayaa wuxuu khudbad aad u kulul waxa uu ka jeediyay taleefishinnada maxaliga ah taasoo hadalheyn badan abuurtey.

Jayte ayaa ku dhawaaqay in abaal-marin uu ku bixinayo dilka hogaamiyeyaasha Al-Shabaab, isaga oo xusay in uu bixinayo qarashka “madaxyada ama xiniinyaha ay daldalaan" kuna baaqay in khaarijinta xaasaskooda.

Dhanka kale, kadib dagaal xooggan oo bishii hore dhacay, mid ka mid ah dagaalameyaasha Macawiisleyda ayaa qoorta ka jaray qaar ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab oo la qabtay.

Hase ahaatee, dowladda Soomaaliya oo haatan arrintaas kusoo baraarugtey ayaa ka jawaabtey waxaana ay si rasmi ah u soo bandhigtey mowqifkeeda ku aadan baaqyadda Cali Jayte.

Jayte ayaa dhowaan wuxuu lacag dhan tobban kun doolar uu guddoon-siiyey laba askari kuwaasoo la sheegay in ay dileen horjoogeyaal ka tirsan Al-Shabaab kadib howlgal ka dhacay magaalada Moqokori.

Xuseen Sheekh Maxamuud oo ah la taliyaha amniga qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in dadka qoorta laga gooyay ay tahay qalad, wuxuuna sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka codsatay maleeshiyada inay joojiyaan falalkaasi.

Maxamuud waxa uu sidoo kale sheegay in Muqdisho ay la xiriireyso guddoomiyaha gobolka iyo dadka kale ee saameynta ku leh Hiiraan si ay meesha uga saaraan weerarada lagu hayo dadka rayidka ah ee qoysaska xubnaha Al-Shabaab.

Agaasimihii hore ee Machadka Daraasaadka ammaanka ee Hiraal oo la hadlay wargeyska New York Times ayaa carabka ku adkeeyay in dowlada ay haatan diiradda saareyso soo dhaweynta shaqsiyaadkaas haddii ay soo goostaan.

“Qoysaskooda ma ahan kuwo xor ah, waxaana rabnaa inay isa soo dhiibaan oo ay noo yimaadaan,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray, "Siyaasad dowladeed maaha in dadka rayidka ah la laayo, waana ku niyad-jabinaynaa".

Gobolka Hiiraan ayaa kamid ah meelaha ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyada ciidamadda ee ka dhanka ah maleyshiyaadka Al-Shabaab hase ahaatee maalmihii lasoo dhaafay waxaa ku yimid halgankaas hakad walina lama fahfaahin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amniga Madaxtooyadda Soomaaliya oo la adkeeyay kadib diyaarado lagu arkay

Labada kooxood waxay si gooni gooni ah u dadaalayaan inay ridaan dowladda federaalka Soomaaliya ee ay taageerto Qaramada Midoobay

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 12:44PM

Xasan Sheekh: Dagaalka Al-Shabaab waa nagu adkaadey

Dowladda ayaa haysta caqabado badan oo ku aadan dagaalka, taasoo hakad gelisay howlgalkii socday, waxayna tani fursad siisay Al-Shabaab oo weeraro soo qaadey.

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 09:41AM