Dowladda oo kadib weerarkii Godka Jilicow oo ku dhawaaqday go'aan cusub

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa ku dhawaaqay Sabtidii in la mamnuucayo gaadiidka aan lahayn calaamado muujinaya cidda ay ka tirsan yihiin iyo ciidamada hubeysan ee aan la garanaynin, kaddib weerarkii dhimashada lahaa ee Al-Shabaab ku qaaday xarunta sirdoonka ee magaalada Muqdisho horaantii bishan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa weerarkaasi u adeegsaday gaari u ekaa kan militariga, oo lagu xardhay astaanta iyo midabada Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), halka dableyduna ay xiranayeen dareesyada ciidamada sirdoonka, taasoo sahashay inay si fudud u gaaraan xarunta Godka Jilacow ee gobolka Banaadir.

“Dowladdu waxay dhowaan soo saari doontaa amar rasmi ah oo lagu mamnuucayo dhaqdhaqaaqa gaadiidka aan summadda lahayn iyo ciidamada hubeysan ee aan la aqoonsan karin gudaha magaalada Muqdisho,” ayuu yiri Wasiir Fiqi shir jaraa’id oo uu qabtay. “Tallaabadan waxay qeyb ka tahay ka hortagga weerarada Al-Shabaab ee kusoo hoos-gabada hay’adaha dowladda.”

Wasiirka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay beddeshay xeeladooda weerarada kadib markii laga hortagay isticmaalka gaadiidka rayidka, iyagoo haatan isku dayaaya inay la mid noqdaan ciidamada dowladda si ay u marin habaabiyaan ammaanka.

“Markii ay awoodi waayeen inay isku dhex qariyaan shacabka, waxay bilaabeen inay iska dhigaaan ciidamo dowladeed – taasoo horey u dhici jirtay aad u yar. Laakiin xeeladdan hadda ma shaqeyn doonto mar kale,” ayuu yiri.

Fiqi wuxuu xusay in dowladdu ay qaadayso tallaabooyin horudhac ah oo lagu adkeynayo ammaanka laguna xirayo meelaha ay suurtagalka tahay in laga weeraro xarumaha muhiimka ah ee caasimadda.

Al-Shabaab oo xiriir la leh ururka Al-Qaacida ayaa horey u fulisay weeraro badan oo ka dhan ah madaxda dowladda, saldhigyada ciidan, iyo xarumaha amniga ee magaalada Muqdisho, iyadoo sii wada dagaalkeeda hubeysan ee ay ka wado dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Cambaareysay Weerarkii lagu Qaaday Madaxdii Hore ee Soomaaliya

Puntland waxay uga digtay dowladda federaalka in haddii aan si deg-deg ah heshiis looga gaadhin doorashooyinka dib u dhacay.

  • Soomaliya

    04-06-2026

  • 02:15PM

Fiqi oo ku eedeeyay Sheekh Shariif iyo Khayre inay abaabuleen afgambi ka dhan ah Xasan Sheekh

Fiqi ayaa sidoo kale ku andacooday in mucaaradku ay abaabuleen maleeshiyaad si weyn u hubeysan iyagoo ku gambanaya banaanbax nabadeed.

  • Soomaliya

    04-06-2026

  • 07:24AM