Dowladda oo "kor u qaadeysa" miisaaniyadda waxbarasha dalka

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay munaasabada maalinta macallinka Soomaaliyeed.

MUQDISHO, Soomaaliya  - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Isniinta maanta ah wuxuu Tiyaatarka Qaranka kaga qeyb galay munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed.

Hadal-jeedintiisa munaasabadan sida weyn loosoo agaasimay ayaa bareyaasha iyo bahda waxbarashada Soomaaliyeed wuxuu ugu hambalyeeyey maalintan qiimaha badan.

Macallimiinta Soomaaliyeed ayuu hoosta ka xariiqay in ay ku soo shaqeeyeen duruufihii adkaa ee dalku soomaray, iyaga oo u dhabar adaygay si ay u badbaadiyaan Mustaqbalka Ubadka Soomaaliyeed.

Jiilal tayo leh oo aasaas u ah horumarinta dalkeena iyo samatabixinta dowladdnimada Soomaaliyeed ayuu tibaaxay in ay kaalin weyn ku yeesheen Macallimiinta Soomaaliyeed.

"Bahda waxbarashada waxaan ku biiray xilli adag oo dalka ay ka jireen duruufo qallafsan, waxaa khatar ku jiray nolashayada iyo tan ardayda, saas oo ay tahay waxaan culeysyadaas kala duwan ku ilaawi jirnay qiimaha shaqada aan qabanayno iyo rajada aan ka qabnay in ay aasaas u noqoto jiilal dadka iyo dalkaba waxtara," ayuu qeexay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal ku bixinayso dib u habeynta nidaamka waxbarashada dalka, taas oo ku saleysan baahiyaha ardayda, macalimiinta iyo guud ahaan bahda waxbarashada, waxa uuna sheegay in kor loo qaadayo miisaaniyadda waxbarasha dalka, si loo horumariyo nolasha Bareyaasha Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM