Dowladda oo lagu booriyey in ay xaliso xaalad ka jirta xarunta karantiilka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa hogaanka dowlada federaalka ugu baaqay in ay xaliyaan xaalad ka taagan xarunta karantiilka Covid-19 ee Isbitaal Mariitini.

Qoraal uu Arbacada maanta ah soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayuu daaha uga rogay in xarunta caafimaad ay wajaheyso dhibaato qalab yaraan ah.

Mudanaha laga soo doorto degaanada Galmudug ayaa su'aal geliyey halka ay ku baxday shanta milyan ee xukuumadda u qoondeysay la tacaalida fayruska safmareenka ah isla markaana dilaaga ah.


Hoos ka akhriso qoraalkiisa

Shan Milyan oo dollar ayaa dowladu sheegtay in ay u qoondaysay la tacaalida cudurka Coronavirus.

Laakiin nasiib daro shalay Isbitaal Martiini waxaa daryeel xumo caafimaad ugu geeriyooday Wasiir Hirshabelle Khaliif Muumin kadib markii loo waayay oksijiin (oxygen) uu ku neefsado sida eheladiisa iyo siyaasiin qaraabo la ah marxuumka warbaahinta u sheegeen.

Haddaba su’aashu waxay tahay xagee la geeyay lacagtii loo qoondeeyay la tacaalida cudurkaan. Jeeb dad kale miyey gashay mise jidka ayay ku soo jirtaa.

Hadiise mas’uul dowladeed daryeel xumo caafimaad ugu geeriyooday Isbitaalkii dowladu sheegtay diyaarintiisa in malaayiin dollar lagu bixiyay, makula tahay in daryeel caafimaad uu ka heli karo muwaadin danyar ah oo cidina dabo socon?!

Waxaan ugu baaqayaa madaxda dowladda in arintaan si degdeg ah wax uga qabtaan, dadkana aysan u loogin cudur iyo daryeel xumo wada jira, hadii kale dadka loo run sheego si dadkooda ay ula tacaalaan.


Hadalka sharci-dejiyaha ayaa kusoo aadaya xili tirada kiisaska guud ahaan dalka ay gaartay 28, oo 25 kamid ah laga soo wariyey caasimadda Muqdisho, intaas waxaa wehlisa dhimashadda laba qof oo uu ku jiro mas'uul dowladeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM