Dowladda oo raaligelin ka bixisay xayeysiiska shaqo ee carada dhaliyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa aakhiritaankii waxay raaligelin buuxda ka bixisay qoraal carro xoogan abuuray oo kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta.

Aadan Isaaq, wasiir ku xigeenka wasaaradaas, oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa xusay in qoraalka "si qalad ah loosoo geliyey warbaahinta iyadoo aanay ogoleyn Madaxda Wasaaradda".

Sidda laga soo xigtay Isaaq, waxaa talaabo anshax marin ah laga qaaday cidii ku lug laheyd, wallow uusan magacaabin kana bixin tafaasiil dheeraad ah.

"Waxaan Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed iyo si gaar ah Gabdhaha Soomaaliyeed uga raalli-galinayaa wixii khalad ahaa ee ku jiray warqadii sida khaldan loo geliyey Warbaahinta iyadoo aanay ogoleyn Madaxda Wasaaradda, waxaa talaabo anshax marin ah laga qaaday cidii ku lug laheyd. Gabdhaha saxafiyiinta waa laf-dhabarka warbaahinta," ayuu yiri, isagoo aanan carabaabin talaabad xigta ee la qaadi doono.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa maanta oo Sabti ah waxay baahisay xayeysiis uu Telefishinka Qaranka ku baadigoobayo laba gabdho oo suxufiyiin ah.

Qodobo ku jira iidhehda oo baraha bulshadda lagu falanqeeyay ayaa wariyeyaal iyo dad kale waxay ku sheegeen in ay takoor tahay in qofka lagu qiimeeyo da'diisa, midabkiisa, quruxdiisa iyo dherarkiisa.

Kadib fal-celintaas, waxaa isbedel lagu sameeyay shuruudaha, iyaddoo meesha laga saarey qodobkii xeerinaya muuqaalka qofka.

Inkastoo aysan jirin cid caddeyn karta, raaligelinta ka timid Aadan Isaaq ayaa ku jirtay talooyinka ay shacabka u soo jeedinayeen Wasaaradda, wallow uu ka dhawaajiyey "in aysan ola kac ahayn".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM