Dowladda oo sheegtay in ay "dishay" 100 xubnood Shabaab ah

Image
Afartii bilood ee lasoo dhaafay, ciidamadda iyo dadka degaanka ayaa dagaal kula jiray xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

MUQDISHO, Soomaaliya — Saraakiisha Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo maleeshiyada deegaanka oo iskaashanaya ay ku dileen ugu yaraan 100 ka mid ah maleeshiyada ururka Al-Shabaab dagaal shalay ka dhacay deegaanka Ceel Hareeri ee gobolka Hiiraan.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdullahi Cali Caanood oo Muqdishokula hadlay warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in maleeshiyadaasi Al-Shabaab lagu dilay intii uu socday howlgal ballaaran oo ay ciidamada isgarabsanaya qaadeen.

Taliyaha Guutada 16-aad ee ciidamada Danab ee dowladda Soomaaliya Major Axmed Cabdullaahi Beeryare, oo isna kula hadlayay wariyeyaasha gobolka Hiiraan, ayaa sheegay in tirada maleeshiyada al-Shabab ee ay ku dileen dagaalka ay ka badan karto 200.

VOA iyo warbaahinta kale ee madaxa banaan midna uma suurtagalin inay xaqiijiyaan sheegashada saraakiisha dowladda. Ciidamada Danab ayaa sheegay inay qabsadeen deegaankii lagu dagaalamay ee Ceel Hareeri, halkaas ay sheegeen in maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab ay duulaan ka soo abaabulayeen.

Dowladda ayaa tobaneeyo ka tirsan meydad ay ku sheegeen Al-Shabaab u soo bandhigtay warbaahinta. Saraakiisha dowladda waxay sheegeen in weerarka ay ka qeyb qaadatay diyaarad Drone ah, inkastoo aaney sheegin cidda iska laheyd.

Waxay sheegeen saraakiishu in weerarka ay qaadeen kadib markii ay sii heleen xogta ku saabsan in Al-Shabaab ay isku urursanayeen deegaankaas. Dhinaca kale, saraakiisha ciidamada dowladda ee ku suggan deegaanka Masaajidka Cali Gaduud ayaa sheegay inay burburiyeen gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo la doonayay in lagu soo weeraro mid ka mid ah fariisimadooda deegaankaas.

Afartii bilood ee la soo dhaafay dagaal ay ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ku hayeen Al-Shabaab waxaa looga qabsaday ku dhawaad dhamaan deegaanaddii ay kaga sugnaayeen gobolka Hiiraan. Sarakiisha dowladda Soomaaliya waxay aaminsanyihiin in ku dhawaad 100 ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab ah lagu dilay dagaaladaas.

Dhawaan ayey aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre uu sheegay inay u aargudayaan dadkii ay Al-Shabaab ku laysay qaraxyaddii 29-kii October ee ay ku dhinteen dad 100 ka badan 300 ka badanna ay ku dhaawacmeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM