Dowladda Soomaaliya oo adkeysay mowqifkeeda ka dhanka ah Shabaab

Image
Hadalkan ayaa imaanaya maalmo kadib ay baraha bulshada hareeyeen fariimo kala duwan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in fikirka argagixisada ah ee kooxda Al-Shabaab uusan meelna uga jirin Soomaaliya oo nabad ah, maalmo kadib hadal kasoo yeeray lataliyihii hore ee amniga Soomaaliya oo ka faalloodey xiisadaha u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

C/saciid Muuse Cali, Lataliyihii hore ee Amniga Qaranka ee Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo oo wareysi siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in haddii dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh aysan ka hortagi karin dhibaatooyinka soo noqnoqda ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku hayo Madaxbanaanida Soomaaliya uu xukunka ku wareejiyay Al-Shabaab.

Wasiir Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay X (Twitter) ku sheegay in Al-Shabaab ay weli tahay Urur Argagixiso oo caalami ah oo loo aqoonsaday, taasoo khatar weyn ku ah Soomaaliya, gobolka iyo meelo ka baxsan. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in fikirkooda ku dhisan colaadda iyo argagaxisada aysan meelna kaga jirin Soomaaliya oo nabad ah.

Xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa aad u xumaaday tan iyo 1-dii bishii Janaayo markaasoo Itoobiya ay heshiis is afgarad ah la saxiixatay maamulka Somaliland.

Heshiisku waxa uu u ogolaanayaa Itoobiya in ay marin ka hesho qeyb kamid ah badda Soomaaliya iyo saldhig milatari oo ay ku beddesho aqoonsiga Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku gacan seyrtay heshiiskaas, waxayna bishii April dalkeeda ka eriday safiirkii Itoobiya u fadhiyay Soomaaliya Muqtaar Maxamed, waxayna amar ku bixisay in la xiro qunsuliyada Itoobiya ee Somaliland iyo Puntland.

Somaliland waxay ka go'day Soomaaliya in ka badan 30 sano ka hor, balse Midowga Afrika (AU) iyo UN-ka midna uma aqoonsana inay tahay dal madax-bannaan. Tani waxay meesha ka saartey in dalalka caalamka ama kuwa dariska ah ay la macaamilaan maamulkan gooni isu-taagga ah ee fadhigiisu yahay magaaladda Hargeysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM