Dowladda Soomaaliya oo fahfaahisay qorshaha Masar ee AUSSOM

Image
Howlgalka cusub ee Midowga Afrika ayaa qorshuhu yahay inuu bilowdo sanadka dambe ee 2025-ka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar Cali Cabdi Awaare ayaa ka hadlay qorshaha ay ciidanka Masaaridu ugu biirayaan howgalka AUSSOM ee Soomaaliya, kadib markii laga diidey qaar kamid ah goboleda Koonfureed ee dalka.

Danjire Cali Cabdi Awaare, ayaa sheegay in ciidanka Masar ay noqon doonaan kuwa ugu horreeya ee ku biira howlgalka AUSSOM aysanna xukuumadda Qaahira sinaba uga laba labayn doonin taageerada ay siinayso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

"Masar waxay noqon doontaa dalka ugu horreeya ee ciidamada cusub ee AUSSOM geeya Soomaaliya, weligeedna kama laba-labayn taageeradeenna", ayuu yiri Danjire Cali Cabdi Awaare.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Qatar oo Xoojiyay Xiriirka Difaaca Kadib Khilaafka Imaaraadka

SONNA ayaa sheegtay in heshiiskan uu diiradda saarayo xoojinta iskaashiga difaac, horumarinta hannaanada isku-dubaridka amniga.

  • Soomaliya

    20-01-2026

  • 05:07AM

Xildhibaano Soomaaliyeed oo laga qaadey xayiraad ka saarnayd EALA

Sidoo kale, dhaliilaha ayaa tilmaamay in Baarlamaanka Federaalka uu ka booday xeerarka magacaabista.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 02:41PM