Dowladda Soomaaliya oo fikrad ka qabta sababta rasmiga ah ee weerarka Soobe

Image

MUQDISHO, ( GO) - Wax ka badan 72 saacadood ayaa laga joogaa markii ay dhaceen qaraxyadii Soobe, waxaana jira aragtiyo kala duwan oo laga qabo sababta Alshabaab markani u geysteen weeraradan qasaaraha intan dhan dhaliyay.

Waa wax caadi ah in la qiyaaso sababta maadaamaa Alshabaab aad loo bartay ficiladooda, balse sharaxaadda rasmiga ah ee dowladda ayaa aad uga duwan ra’yul caamka, waana wax loo qaateen ah.

Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Doodishe oo wareysi siiyay taleefishinka Qaranka ayaa qaba in kadib dagaaladii lala galay Alshabaab ee looga itaal roonaaday ay halkaasi ka dhasheen waxyaabo badan , “Waxaa ka mid ah in la kala gooyay xiriirkii shacabka iyo Shabaab, shacabkana ay laabtooda ka baxday cabsidii ay qabeen” ayuu yiri wasiirka.

Wuxuu wasiirka qabaa in sababta keentay weerarkani ay tahay in Alshabaab ay markale quluubta shacabka kusoo celiyaan cabsidii ka duushay.

Wuxuu wasiir Doodishe sheegay in shacabka ay hadda bilaabeen in ay diidaan canshuurihii xoogga ahaa ee ay Shabaabka ka qaadayeen, iyo waliba xogihii ay siin jireen kadib markii ay arkeen in dagaalka looga awood batay, islamarkaasna ay daciifeen.

Ra’isulwasaare ku xigeenka Jaamac Saalax oo la hadlayay shir beesha caalamka ayaa isna qaba fikrad taas u dhow, wuxuu sheegayaa in maadaamaa Alshabaab looga adkaaday dagaalada furumaha in ay hadda bartilmaameedsanayaan qeybaha ugu nugul ee shacabka si ay uga aargoostaan ama ay ku muujiyaan in ay weli yihiin awood jirta.

Caadiyan Alshabaab ma sheegato qaraxyada sidan u waaweyn, waxayna inkireen qarixii hore ee Soobe iyo kaniba, balse ma jirto cid uu shaki kaga jiro in ay iyaga fuliyeen.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Warbixinno uu Trump ka Sheegay Iran oo Sirdoonka Mareykanka Shaki Geliyey

Afhayeenka Aqalka Cad, Anna Kelly, ayaa difaacday hadalka madaxweynaha, iyadoo…

  • Soomaliya

    27-02-2026

  • 11:01PM

Muqdisho oo looga dhawaaqay shir Soomaaliya looga badbaadinayo firaaq dastuuri ah

War-murtiyeed ka soo baxay shir ay magaalada Muqdisho ku yeesheen xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

  • Soomaliya

    27-02-2026

  • 10:45PM