Dowladda Soomaaliya oo lacag ugu deeqday Somaliland [DAAWO]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga Gurmadka Qaran ee dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqay in Hal Milyan oo Dollar-ka Mareykanka ugu deeqeen dadka ay ay saameysay duufaanta ku dhuftay Somaliland.

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed, oo sidoo kale ah Gudoomiyaha Guddiga kana soo jeeda Somaliland ayaa shaaciyey lacagtaan inay ugu tabaruceen Somaliland.

"Hal milyan oo doolar oo gargaar ah ayey Dawladdu ugu deeqday deegaannada goballada Waqooyi ee fatahaadaha iyo duufaantu saameeyeen”, ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed.

Munaasabadda looga dhawaaqayey in lacagta loogu deeqay Somaliland oo ka dhacday Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle iyo xubno ka tirsan Guddiga.

Mahadi ayaa sidoo kale sheegay in howlaha Guddiga uu madaxda ka hayey mareyso meel wanaagsan, isagoo balanqaaday inay halkeeda kasii wadi doonan illaa laga caawinayo shacabka Soomaaliyeed ee misaabooyinka ay ku dhufteen.

Qaar kamid ah xubnaha Guddiga oo u waramay warbaahinta ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in Shacabka Soomaaliyeed ay isku gurmadaan, taasina ay tahay xalka kaliya ee dhibaatada looga bixi karo.

Lacagtaan ayaa waxaa la filayaa in lagu wareejin doono dowlada Somaliland xilli ay dagaal kula jirto maamulka Puntland.

Guddiga Gurmadka oo uu sameeyay Ra'iisul Wasaare Khayre bishii hore ayaa waxaa ay lacago gaarsiiyeen maamulada ay saameysay fatahaadaha iyo duufaanada dalka ku dhuftay, waxaana badi lacagtaan ay tahay mid beesha caalamka ka timid.

HOOS KA DAAWO SHIRKA JARAA'ID:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM