Dowladda oo lagu dhaliilay gaabis gurmadka dhibanayasha qaraxa

Image
Lama oga in dowladda ay ugu dambeynta bixin doonto jawaabtii laga sugayay.

Soomaaliya, Soomaaliya - Laga bilaabo wasiir bogga Facebook ku leeyahay dadka kula wadaagaysa muuqaal laga duubay nin ehelkiisa qaraxa ku waxyeeloobeen oo yabooh codsanaya, illaa afhayeenka booliiska oo tirakoob aan la hubin oo dhimashada ah sheegaya, dowladda federaalka ayaa saacado gudahood wajahday eedeymo badan oo kaga yimid qaabka ay kaga jawaabtay qaraxa dhacay.

Baaxadda qaraxa awgiis ayay dadka intooda badan iyo warbaahinta ku calaamadisey in uu yahay Soobe 2.

Sidaas oo ay tahay laguma bixin dedaal iyo gurmad u dhow kii la rabay, iyada oo warar argagax leh laga soo tabinayo osbitaalada, halkaas oo ay dadka ugu dhimanayaan dhiig la’aan iyo lacag la’aan , xilli isbitaalada gaarka loo leeyahay ay dhaawacyada weeydiinayaan lacag lagu badbaadiyo naftooda.

Qaraxyada Soobe ayaa kusoo aaday maalin madaxda dowladda Soomaaliya oo dhan , heerarkeeda kala duwan ay u ahayd maalin xafladayn ah, taas oo ahayd arrin sii hurisay dareenka carada leh ee shacabka.

Xaflafaha midi waxa ay ahayd mid lagu soo xirayay shir culumada ay lahaayeen, mid kalena waxa ay ahayd mid ay qabatay safaaradda Turkiga, taas oo ay xaadireen dhammaan guddoonkii labada aqal ee Baarlamaanka.

Xafladaan oo madaxda sare ee dowlada intooda badan ka qayb galeen ayaa waxaa hadalo ay ku kaftamayeen iney horey uga mid ahaayeen Al Shabaab ka jeddiyey Axmad Madoobe iyo wasiirka diinta Roobow.

Munaasabadaas oo dhacdey waxyar ka hor qaraxa ayaa dadkii fadhiyey waxaa kamid ahaa  Taliyaha Booliiska Soomaaliya kaas oo muqaalka laga duubey tusayey isagoo aad aad ugu qoslayey sheekada labada mas’uul.

Dhinaca kale waxaa  aad isu soo taraya baaqyada in Muqdisho lagu qabto isu soo bax weyn oo Alshabaab looga soo horjeedo, dhanka kalena loogu gurmanayo dadka waxyeelada gaartay.

Dowladda aad ayay u xakamaynaysaa xogta ku saabsan qaraxyada, waxa ay sidoo kale isku dayaysaa in ay ka hor tagto faafinta waxa meesha ka dhacay, iyada oo u sababaynaysa in taasi ay Shabaabka hiilo u tahay.

Tirakoobyada qaar ee dhimashada waxa ay maraysaa wax ka badan 100 qof, halka dhaawacyada ay dhawr boqol yihiin sida laga soo xiganayo goobaha caafimaadka.

Baaxada dhulka uu qaraxa saameeyay aad ayay u baalarantahay, halkaas oo ay ciidamada dowladda gebi ahaanba xireen.

Dadka baafiyana dadka ka maqan ee markii ugu dambeeyay Soobe ku sugnaa ayaa aad usoo badanaya iyagana, taas oo ka dhigan in qasaarada uu aad uga sareeyo intii loo malaynayay.

Lama oga in dowladda ay ugu dambeynta bixin doonto jawaabtii laga sugayay.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Amniga Madaxtooyadda Soomaaliya oo la adkeeyay kadib diyaarado lagu arkay

Labada kooxood waxay si gooni gooni ah u dadaalayaan inay ridaan dowladda federaalka Soomaaliya ee ay taageerto Qaramada Midoobay

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 12:44PM

Xasan Sheekh: Dagaalka Al-Shabaab waa nagu adkaadey

Dowladda ayaa haysta caqabado badan oo ku aadan dagaalka, taasoo hakad gelisay howlgalkii socday, waxayna tani fursad siisay Al-Shabaab oo weeraro soo qaadey.

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 09:41AM