Dowladda Soomaaliya oo mamnuucdey TikTok, 1XBET iyo Telegram

Image
Wasaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda ayaa soo saartey go'aankan muranka xooggan dhaliyay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda XFS mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta shir guddoomiyey Shirka Wadatashiga badqabka Isgaarsiinta, ilaalinta amniga Internet-ka iyo baraha bulshada, waxaana ka soo qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md Cabdicasiis Duwane Isaq, Mas'uuliyiin ka socday Hey'adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka.

Si loo fuliyo qodobbada 64-aad iyo 65-aad ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda waxa ay ku howlantahay sidii loo ilaalinlahaa dhaqanka suubban ee bulshada Soomaaliyeed marka la isticmaalayo isgaarsiinta iyo aaladaha internetka oo saameyn ku yeeshay hab-nololeedka iyo in ay soo kordheen dhaqamo xun-xun, waxaana qabashada howshaan laf dhabar u ah Hey'adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Shirkadaha ka shaqeeyo arimaha ICT-da.

Shirka inta uu socday waxaa la isla qaatay xilligaan in ay muhiim tahay in la xiro Baraha Tiktok, Telegram iyo Aalada Qamaarka lagu ciyaaro ee 1XBET oo sameyn nololeed ku yeeshay Dhallinyarada Soomaaliyeed oo qaarkood keenay in ay nafta ku waayaan.

Wasaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda XFS waxa ay bilowday Wacyigalin Bulshda looga digayo qataraha ka imaankara Isgaarsiinta iyo Internet-ka oo sahlaya in si fudud loo faafiyo Wararka iyo xogo aan sal iyo raad laheyn oo lagu dhibaateeyo dad aan waxba galabsan ama lagu kiciyo bulshda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM