Dowladda Soomaaliya oo ruqsad siisey Bangiyo Caalami ah

Image
Ziraat Katılım iyo Banque Misr ayaa laga kala leeyahay dalakla Turkiga iyo Masar.

MUQDISHO, Soomaaliya - Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa ruqsad siiyey laba bangi caalami oo kala ah; Banque Misr بنك مصر oo fadhigiisu yahay Masar iyo Ziraat Katılım oo laga leeyahay Turkiga.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Bankiga Dhexe ayaa oggolaaday in shati (license) la siiyo labada bangi ee kala ah; Banque Misr iyo Ziraat Katilim. 

Shati siintan waxaa lagu ansixiyey shir ay yeesheen Guddiga Maamulka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya 02/Luulyo/2022. Howshan oo in muddo ah socotay ugu dambeyntii Guddiga Maamulka Bankiga waxay ku qanceen in labadaas Bangi ay so buuxiyeen dhammaan shuruudihii looga baahnaa. 

Sidaas daraadeed labada Bangi ee sare ku xusan waxaa loo oggolaaday inay ka shaqeyn karaan Soomaaliya.

Guddoomiya Bankiga Dhexe, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi, ayaa yiri "waxaa farxad noo ah in Guddiga Maamulka Bankiga oggolaadeen shati sinta laba Bangi oo calami ah. Waa bangiyo waaweyn o0 wax badan kusoo kordhin kara hannaanka maaliyadda dalka iyo guud ahaan koboca dhaqaalaha".

Banque Misr iyo Ziraat Katilim waa labaddii Bangi ee u horreeyay oo calami ah oo rugsad loo siiyo inay dalka ka holwgalaan. Tani waxay muujinaysaa horumarka uu samaynayo dib-u-dhiska hannaanka maaliyadda dalka iyo kalsoonida maalgasha-dayaasha. 

Bankiga dhexe waxaa ka go'an horumarinta iyo ilaalinta xasilloonida hannaanka maaliyadda dalka.


Soomaaliya ayaa ku guda jirta mar-xalad soo kabasho ah gaar ahaan dhinacyadda maaliyadda, ammaanka iyo horumarinta waxaana talaabadda Bangiga Dhexe ay dhiiragelineysaa maalgashiga waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM