Dowladda Soomaaliya oo Sacuudiga ka codsatay faragelin milatari oo ka dhan ah Somaliland

Image

MUQDISHO - Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa ugu baaqay dowladda Sacuudi Carabiya inay faragelin milatari ku sameyso Somaliland, isagoo tusaale u soo qaatay faragelintii Riyaadh ay ku samaysay dalka Yemen ee lagu daciifiyay xoogagga gooni-u-goosadka ah ee Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta (STC).

Wareysi uu siiyay telefishinka Al Jazeera maalintii Sabtida, wasiir Fiqi ayaa sheegay in Sacuudiga iyo waddamada kale ee xuunka ku leh Badda Cas ay mas’uuliyad ka saaran tahay inay tallaabo ka qaadaan wax uu ugu yeeray "gooni-u-goosadka waqooyiga Soomaaliya" ee uu hoggaamiyo madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro.

Wasiirka ayaa xusay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay adeegsato awood milatari iyo door weyn oo kale haddii Israa’iil ay saldhig milatari ka dhisato Somaliland ama ay isku daydo inay dadka Falastiiniyiinta ah ee laga soo barakiciyay Qaza u soo raroto gobolkaas.

"Soomaalidu waxay ka hor yimaadeen gumeystayaal iyo cadow ka xoog badan Israa’iil boqolaal sano kahor, haddana kama labalabeyn doonaan inay iska caabiyaan Israa’iil haddii ay ku xad-gudubto madax-bannaanida dhulka Soomaaliya," ayuu yiri Fiqi.

Sidoo kale, wasiirka ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay dooneyso inay Somaliland u adeegsato sidii ay u dejin lahayd Falastiiniyiinta, iyadoo isla markaana dooneysa inay halkaas ka dhisato saldhigyo khatar ku ah amniga waddamada dhaca Badda Cas, taas oo uu sheegay inaysan marnaba aqbali doonin dowladda Soomaaliya.

Baaqan ayaa imaanaya xilli ay cirka isku sii shareertay xiisadda u dhaxeysa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, taas oo salka ku haysa aqoonsiga iyo faragelinta shisheeye ee gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo Bogaadiyay Taageerada Turkiga ee Soomaaliya [Sawirro]

Wixii markaas ka dambeeyay, Turkigu ballaariyay gurmadkiisa bani’aadannimo iyo mashaariicda horumarineed ee uu ka fulinayay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    17-09-2026

  • 02:19PM

Wareysi Washington ka dhacay oo dhaliyey dhaliilo loo jeediyey Madaxweyne Cirro

Cirro ayaa 14-kii Sebtembar ka hadlay Hudson Institute, oo ah xarun cilmi-baaris…

  • Soomaliya

    17-09-2026

  • 03:28AM