Dowladda Soomaaliya oo shaacisay go'aan la xiriira Ebola

Image
Talaabadan ayaa imaanaysa xilli Uganda oo ay dagan yihiin Soomaali badan laga helay kiiskii ugn horeeyay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay qaadeyso talaabooyin ay uga hortageyso in cudurka Ebola uu soo gaaro dalka, sidda ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in ay qadiyadan kala kaashaneyso Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda iyo Hay’adaha Qaranka ee u xil saran ilaalinta xuduudaha iyo marinada isu-gudubka bulshada.

"Wasaaradda oo ka faa’ideysaneysa khubaradeeda dhanka Caafimaadka waxa ay bilaabaysaa baaritaan la xiriira caabuqa EBOLA oo lagu sameynayo dhammaan muwaadiniinta iyo musaafiriinta ka imaneysa wadanka Uganda oo uu caabuqa kasoo cusboonaaday," ayaa lagu yiri qoraalka.

Sida ku xusan bayaanka, talaabooyinka ay qaadeyso dowladda Soomaaliya ayaa ka dhashay kadib markii dalka Uganda oo ay ku nool yihiin Soomaali badan uu xaqiijiyey kiiskii ugu horeeyay.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyada oo tixraacaysa war saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Cafimaadka ee Jamhuuriyadda Uganda markii ay taariikhdu ahayd 20-ka Bishan September 2022, kaas oo ku saabsanaa in dalkaas laga helay kiisas la xiriira Cudurka EBOLA Virus Disease (EVD), waxa ay shaacinaysaa qodobada soo socda si looga taxadaro loona ilaaliyo badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wasaaradda Caafimaadka JFS oo kaashanaysa Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda iyo Hay’adaha Qaranka ee u xil saran ilaalinta xuduudaha iyo marinada isu-gudubka bulshada, waxa ay qaadi doontaa talaabooyin looga hortagayo in uu cudurka soo gaaro dalka, maadaama wadanka Uganda oo hadda laga helay kiisas cusub ay ku nool yihiin Soomaali badan oo u soo socdaala Magaalada Muqdisho iyo qeybaha kale ee dalka.

Wasaaradda oo ka faa’ideysaneysa khubaradeeda dhanka Caafimaadka waxa ay bilaabaysaa baaritaan la xiriira caabuqa EBOLA oo lagu sameynayo dhammaan muwaadiniinta iyo musaafiriinta ka imaneysa wadanka Uganda oo uu caabuqa kasoo cusboonaaday.


GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM