Dowladda Soomaaliya oo sheegatay "dilka" 100 Al-Shabaab ah
MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ka badan 100 dagaalameyaal Al-Shabaab ah lagu dilay howlgalo ay ciidamaddu sameeyeen Arbacada maanta ah, sidda shaacisay Wasaarada Warfaafinta.
War-saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in howlgaladda ay ka dhaceen degaanadda Ceel Gorof iyo aaga degaanka Basra ee ka kala tirsan gobolada Shabeellaha Hoose iyo Galgaduud.
Bayaanka ayaa lagu xusay in howlgaladan ay isku-dabariday hay'adda sirdoonka ayna ciidamadda fuliyeen iyaga oo kaashanaya saaxiibadda dhanka ammaanka ee caalamiga ah.
"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u mahad celinaysaa dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah oo gacan ka gaystay howlgalkan guuleystay oo lagu ciribtiray shabakado Khawaarijta ka tirsan oo qorsheynayay weeraro ay ku bartilmaameedsadaan shacabka," ayaa lagu soo xiray warka qoraalka ah.
HOOS KA DAALACO QORAALKA
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamka ayaa howlgal wadajir ah oo ay ka sameeyeen deegaanka Ceel Gorof ee gobolka Gagaduud, waxay ku dileen in ka badan 50 ka tirsan Khawaarijta Alshabaab
Howlgalka oo ahaa mid aad loo qorsheeyay ayaa lagu burburiyay saldhigyo ay khawaariijtu ku lahaayeen deegaanka Ceel Gorof, waxaana Ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanku soo uruuriyeen 31 ka mid ah meydadka khawaarijta ee lagu dilay howlgalka.
Dhinaca kale Howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Saaxiibada caalamiga ah oo ka dhacay beeraha aaga Geeshaan ee deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay 47 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa heshay xogta Khawaarijtaan oo isku aruursaday beeraha Geeshaan kuwaas oo ku howlanaa dhagarta shacabka Soomaaliyeed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u mahad celinaysaa dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah oo gacan ka gaystay howlgalkan guuleystay oo lagu ciribtiray shabakado Khawaarijta ka tirsan oo qorsheynayay weeraro ay ku bartilmaameedsadaan shacabka.
Isla maanta, wasaaradda gaashaandhiga ayaa shaaca ka dhigtey in ciidanka xoogga ay la wareegeen degaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud halkaasoo ay in ka badan 15 sano maamulayeen xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida.
GAROWE ONLINE