Dowladda Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee DRC iyo M23

Image

Muqdisho, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo xubin ka ah Ururka Bulshadda Bariga Afrika, ayaa si diirran u soo dhaweysay heshiiska xabbad-joojinta ee Sabtidii lagu kala saxiixday magaalada Doha ee dalka Qatar, kaas oo u dhexeeya Dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo (DRC) iyo kooxda hubeysan ee M23.

Soomaaliya waxay si gaar ah uga mahadcelisay doorka muhiimka ah ee ay Dowladda Qadar ka qaadatay dhexdhexaadinta, taas oo horseed u noqotay in labada dhinac ay miiska wadahadalka isugu yimaadaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay hoosta ka xariiqday muhiimada wadahadal joogto ah iyo fulinta buuxda ee heshiiska si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo xasillooni ka hanaqaada bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo iyo guud ahaan gobolka Harooyinka Waaweyn.

Ugu dambayn, Soomaaliya waxay mar kale muujisay midnimadeeda iyo garab istaaggeeda shacabka DRC iyo guud ahaan gobolka, iyadoo balan qaadayso inay sii wadi doonto taageerada dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee lagu doonayo horumar waara iyo nabadgalyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM

Trump oo Ku Hanjabay inuu dhalashada kala noqon doono Soomaalida lagu helo falal khiyaano ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la xoojinayo nidaamka socdaalka iyo amniga gudaha ee wadanka Maraykanka.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 08:54AM