Dowladda Soomaaliya oo Toogatay Saddex Al-Shabaab ah oo Dilal ka Gaystay Muqdisho iyo Afgooye

Image

Muqdisho - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah fulisay xukun dil ah oo lagu riday saddex nin oo lagu helay dambiyo ah in ay ka dambeeyeen dilalka lix qof oo isugu jiray saraakiil amni, shaqaale rayid ah, dhaqtarka ciidanka, iyo dad shacab ah, kuwaas oo lagu dilay weerarro kala duwan oo ka dhacay Muqdisho iyo degmada Afgooye.

Ragga la toogtay ayaa kala ahaa:

Cabdi Xasan Rooble – sida la sheegay wuxuu ahaa nin bambooyinka tuura, sidoo kalena dilal qorshaysan ka gaysta magaalada.

Ibraahim Cumar Xaaji Shamu’un – wuxuu ahaa sarkaal u qaabilsanaa dabagalka (surveillance) iyo fulinta dilalka qorsheysan.

Qudaama Xamze Yuusuf – xubno firfircoon ka ah unugga Ightiyaalat ee kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan gobolka Banaadir.

Maxkamadaha ciidamada qalabka sida ayaa horey xukunno ugu riday saddexda eedeysane. Qudaama ayaa lagu xukumay bishii Janaayo 2023, halka Cabdi Xasan iyo Ibraahim Cumar lagu xukumay sanadkii 2022.

Mas’uuliyiinta garsoorka ciidamada ayaa sheegay in xukunka dilka ah lagu fuliyay kadib markii ay dhammaatay dhammaan heerarkii racfaanka, islamarkaana cadaaladda la marsiiyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa si joogto ah u fulisa xukunnada dilka ah ee lagu rido xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee lagu helo dambiyada culus sida dilalka qorsheysan iyo qaraxyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Facebook oo mar kale laga waayay codadka ka aragti duwan DF- ka ee muddo dhaafka ah

Dhacdooyinkani ma aha kuwo cusub. Dabayaaqadii 2024, ururrada warbaahinta…

  • Soomaliya

    18-09-2026

  • 01:45PM

Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo Bogaadiyay Taageerada Turkiga ee Soomaaliya [Sawirro]

Wixii markaas ka dambeeyay, Turkigu ballaariyay gurmadkiisa bani’aadannimo iyo mashaariicda horumarineed ee uu ka fulinayay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    17-09-2026

  • 02:19PM