DP World: "Xiisadda Soomaaliya iyo Imaaraadka ma saameyn doonto shaqada dekedda Berbera"

Image

ABU DHABI - Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa shaacisay in shaqada ay ka hayso dekedda Berbera ay u socoto si caadi ah, iyadoo aan loo eegin go’aankii dhowaan ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu baabi'iyay heshiisyadii labada dal.

DP World waxay sheegtay inay weli ka go’an tahay inay sii waddo horumarinta dekedda iyo adeegga ganacsi ee ay u hayso Somaliland iyo gobolka Geeska Afrika. Waxay kaloo xustay in arrimaha siyaasadda iyo diblamaasiyadda ay u xilsaaran yihiin madaxda labada dhinac, balse iyagu ay xoogga saarayaan oo kaliya dhanka hawlaha dekedda.

Xaaladdan ayaa timid ka dib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay shalay inay gebi ahaanba joojisay heshiiyadii difaaca, amniga iyo dekadaha ay kula jirtay Imaaraadka. Xiisadan ayaa salka ku haysa arrimo ka dhashay dagaalka ka socda dalka Yemen iyo xiriirka gaarka ah ee Imaaraadku la leeyahay Somaliland.

Imaaraadka ayaa lacag gaaraysa $442 milyan ku maalgaliyay dekedda Berbera, taas oo ah isha ugu weyn ee dhaqaalaha iyo mashaariicda ay shirkadda DP World ka fuliso gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM