Dugsi loo dhisay agoonta ciidanka booliska Soomaaliyeed

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Agoonta Booliska Soomaaliyeed ayaa horey wax ugu baran jirey dhisme ka sameysan jiinkad.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble  ayaa maanta xarigga ka jaray dugsiga hoose dhexe ee agoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dhawaan loo dhisay qaab casri ah.

Agoonta Booliska Soomaaliyeed ee ay ka dhinteen askartii naftooda u huray qaranka, ayaa horey wax ugu baran jirey dhisme ka sameysan jiinkad oo wax yeelo u geysanayay xiliyada kulaylaha, 

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa booqasho ku tagay  xarunta agoonta Ciidanka booliska Soomaaliyeed 24 kii bishii Janaayo ee sanadkii 2021 oo ka damqaday goobta ay wax ku baranayaan.

Rooble ayaa, sidda uu shaaca ka dhigay xafiiskiisa warfaafinta, wuxuu amar ku bixiyey in iskuulka loo badelo mid u qalma ilmo ay ka dhinteen muwaadiniinta naftooda u horey qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM