Duqeyn cirka ah uu Mareykanka fuliyey Jilib oo laga warbixiyey

Image
Warbaahinta Dowladda Soomaaliya ayaa warisay in howlgalkan uu ka dhashay "khasaaro xooggan".

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska ciidamadda Mareykanka ee qaaradda Afrika [AFRICOM] ayaa xaqiijiyey in duqeyn dhanka cirka ah ay ka fuliyeen magaaladda Jilib ee xarunta gobolka Jubadda Dhexe.

War qoraal ah oo kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in howlgalkan ay la kaashadeen dowladda federaalka Soomaaliya balse masoo bandhigin cidda lala beegsadey iyo khasaaraha ka dhashay.

"Qiimeynta horudhac ah waxay muujinaysaa in uusan jirin khasaaro soo gaarey dad shacab ah - dhimasho ama dhaawac," ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay taliska AFRICOM.

War-saxaafadeedka ayaa intaas waxa uu kusii daray: "Howlgalka AFRICOM waxa uu qaadey talaabooyin uu uga hortagayo waxyeeladda dadka shacabka ah si loo gaaro xasiloonida Afrika".

Dhanka kale, warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegtey in howlgalkan uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burburka xarumo ay lahayd Al-Shabaab.

"Ciidamada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa weerar ka fuliyay Magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe oo xarun u ah Khawaarijta Al Shabab," ayuu yiri telefishinka qaranka.

TV-ga ayaa waxa uu intaas kusii daray: "Weerarka oo lagu beegsaday bartilmaameedyo gaar ah ayaa waxa uuu geestay Khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo xarumo la burburiyay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM