Duqeyn cirka ah uu Mareykanka fuliyey Jilib oo laga warbixiyey

Image
Warbaahinta Dowladda Soomaaliya ayaa warisay in howlgalkan uu ka dhashay "khasaaro xooggan".

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska ciidamadda Mareykanka ee qaaradda Afrika [AFRICOM] ayaa xaqiijiyey in duqeyn dhanka cirka ah ay ka fuliyeen magaaladda Jilib ee xarunta gobolka Jubadda Dhexe.

War qoraal ah oo kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in howlgalkan ay la kaashadeen dowladda federaalka Soomaaliya balse masoo bandhigin cidda lala beegsadey iyo khasaaraha ka dhashay.

"Qiimeynta horudhac ah waxay muujinaysaa in uusan jirin khasaaro soo gaarey dad shacab ah - dhimasho ama dhaawac," ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay taliska AFRICOM.

War-saxaafadeedka ayaa intaas waxa uu kusii daray: "Howlgalka AFRICOM waxa uu qaadey talaabooyin uu uga hortagayo waxyeeladda dadka shacabka ah si loo gaaro xasiloonida Afrika".

Dhanka kale, warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegtey in howlgalkan uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burburka xarumo ay lahayd Al-Shabaab.

"Ciidamada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa weerar ka fuliyay Magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe oo xarun u ah Khawaarijta Al Shabab," ayuu yiri telefishinka qaranka.

TV-ga ayaa waxa uu intaas kusii daray: "Weerarka oo lagu beegsaday bartilmaameedyo gaar ah ayaa waxa uuu geestay Khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo xarumo la burburiyay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM