Duqii Afgooye oo qarax ku geeriyoodey

Image

January 19, 2015 (GO)- Duqii degmada Afgooye Cali Cadow Jamiil ayaa ku geeriyoodey qarax ka dhacay deegaanka Xaawo Cabdi oo ku yaalla  inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Qaraxa oo sida lagu soo waramayo ka dhashay miino kuwa dhulka lagu aaso ah waxaa lala eegtay gaari noociisu ahaa Toyota Noah oo Cali Jamiil iyo ilaaladiisu saarnaayeen.

Weerarka oo mas'uuliyadiisa kooxda al-Shabaab sheegatay waxaa sidoo kale ku geeriyoodey labo qof oo kala ahaa wadihii gaariga iyo askari.

Mas'uulkan oo si weyn looga yaqaaney guud ahaan gobolka Shabeelada Hoose dhowaan ayaa loo soo magacaabay duqa Afgooye.

Qaraxa lagu diley duqii Afgooye ayaa kusoo aadaya maalin kadib markii degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho miino kula qaraxday labo nin oo sida la sheegay sitey walxaha qarxa weerarna qorsheynayey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Radio Sweden oo shaaciyey sida Xafiiska RW Soomaaliya ugu tagri faley lacago gargaar ah

Warbixintaan , oo ay diyaarisay Ekot — waaxda ugu weyn ee wararka Raadiyaha Sweden…

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 02:58AM

Hoggaamiyeyaal saameyn ku leh siyaasadda Soomaaliya oo Shir uga furmay Kismaayo

Dhankiisa, Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka in ay dhibaato u geysatay maamulkiisa.

  • Soomaliya

    18-12-2025

  • 05:55PM