Eedeysanayaal baxsad ah kuna soo wajahnaa Soomaaliya oo la qabtey
NAIROBI, Kenya - Eedeysane looga shakisan yahay inuu ka dambeeyay dilka qof ka caweynaayey baar ku yaalla magaaladda Kitengela ee Kenya ayaa waxaa xiray dambi-baarayaasha, sidda ay qortey saxaafada maxaliga.
Askari hore oo ka tirsanaa ciidamadda difaaca Kneya, Nicholas Mwaniki Nginga, oo 39 jir ah, ayaa isaga iyo saaxiibtiis, Farida Osman, 24-jir, waxaa gacanta lagu dhigay Sabtidii todobaadkan.
Dambi-baare si dhow ula socda kiiskan oo la hadlay The Star ayaa xaqiijiyey in labada qof la qabtay xilli ay ku sii jeedeen Soomaaliya halkaasoo ay doonayeen in ay ku baxsadaan.
"Haweenayda aan la xirnay eedaysanaha waxay xiriir jaceyl la lahayd ninka la dilay Jibriil Cabdullaahi," ayuu yiri sarkaal oo sababo ku aadan xasaasiyada kiiska uga gaabsadey magaciisa.
Goobjooge la socday shaqsiga la khaarijiyey ayaa sheegay in Nginga uu C/laahi ku weeraray mindi taasoo sabab u noqotey in isla goobta uu ku geeriyoodey dhibanaha.
"Eedeysanaha ugu weyn wuxuu ogaaday in Cabdullaahi uu xoogaa xiiseeyey Farida, shaqaalihiisa iyo gacaladiisa, kuma faraxsanayn markii ay ku hadlayeen luqad uusan fahmin," ayuu goobjoogaha raaciyey.
Weerarka ayaa ka dhacay baar uu leeyahay tuhmanaha. Booliska ayaa sheegay in tuhmanayaasha loo gudbin doono maxkamadaha sharciga si ay u wajahaan cadaaladda. Labada qof waxaa lagu soo oogi doonaa dembi dil ah.
GAROWE ONLINE