Erdogan oo joojiyey la hadalka Ra’isal Wasaare Dal daris la ah

Image

ISTANBUL- Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in uu joojin doono la hadalka ra’iisul wasaaraha Giriiga Kyriakos Mitsotakis, uuna baajinayo kulan muhiim ah oo ay yeelan lahaayeen labadooda dowladood, isagoo ku eedeeyay hogaamiyaha Giriiga inuu ka soo horjeedo Turkiga.

Khudbad uu ka jeediyay taleefishinka kaddib shir ay yeesheen golaha wasiirrada Talaadadii, ayuu Erdogan ku eedeeyay Mitsotakis inuu u soo jeediyay mas’uuliyiinta Mareykanka in Washington aysan ka iibin Turkiga diyaaradaha F-16 kadib markii uu dhawaan booqasho ku tagay wadankaas.

Erdogan ayaa intaa kadib waxa uu Giriiga ku eedeeyay in ay gabaad siiyan taageerayaasha Hogaamiye diimeedka fadhigiisu yahay Maraykanka ee Fethullah Gulen, kaas oo Turkigu sheegay in uu ka dambeeyay isku daygii afgambi ee dhicisoobay ee 2016-kii, iyo in uu saldhigyo milatari ka samaystay Turkiga. Gulen ayaa muddo dheer beeninayey eedeymaha Turkiga.

"Waxaan ku heshiinnay inaan dalal saddexaad soo dhexgalin khilaafka naga dhexeeya. Iyada oo ay taasi jirto, todobaadkii hore, waxa uu booqasho ku tagay Maraykanka isagoo kala hadlay Congress-ka ineysan na siin diyaardaha F-16,” ayuu yidhi Erdogan.

“Kama jiro aniga xageyga. Marna aqbali maayo inaan la kulmo. Siyaasiyiinta sharafta leh waanu sii wadi hadli doonaa”.

Erdogan ayaa sida muuqata ka hadlayey khudbad uu Mitsotakis ka jeediyay Washington 17-kii May, markaas oo uu u sheegay Congress-ka in Mareykanku uu ka fogaado abuurista il cusub oo xasillooni darro ah oo ka timaada dhinaca koonfur-bari ee NATO.

Isagoo ka jawaabaya hadalka Erdogan, af hayeenka dowladda Giriiga, Yiannis Economou wuxuu yiri Athens "ma geli doonto iska hor imaad hadal ah oo ka yimaada hoggaanka Turkiga."

"Siyaasadda arrimaha dibadda ee Giriiga waxay si xooggan ugu dhisan tahay taariikhda, ilaalin sharciga caalamiga ah iyo dhowrista xiriirka xulafadayada, si kastaba ha ahaatee qaar dowladaha way ka careysiin kartaa," ayuu yidhi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Giriiga Nikos Dendias oo sii wada inuu difaaco hadalka Mitsotakis, ayaa yiri "waxba lama sheegin ka baxsan siyaasada Giriigga".

GAROWE ONLINE + WAKAALADAHA 

Related Articles

Turkiga oo Ciidamo usoo diray Soomaaliya kadib codsi Xasan Sheekh u diray Erdogan

Turkiga ayaa heshiisyo shidaal baaris iyo kuwa ku ilaalinayo badda Soomaaliya la galay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    21-04-2025

  • 12:14PM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo shir deg-deg ah ku qabtay Madaxtooyada

Kulankan ayaa yimid xilli ay xaalado amni oo adag ka taagan yihiin qaar ka mid ah gobollada dalka, iyadoo dagaallo culus.

  • Soomaliya

    21-04-2025

  • 07:30AM